News

Gudoomiyihii Jaalliyada Somaliland ee Germany oo Kullan Qarsoodiya La yeeshay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ceebaha Dul-hoganaya.

Byadmin

Feb 16, 2016

13

Munich (Haldoornews)-Gudoomaha Jaalliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka  C/fataax Cismaan Cigaal oo dhawaan lagu Doortay Magaalada Stuttgart ayaa Kullan Qarsoodiya kulla yeeshay Magaalada Munich Madaxwaynaha Dawlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Qayb galayay Shirka Caalamiga  ah Ee  Aamaanka Aduunka  ( Munich Security Conference) oo ay isugu yimaadeen Madax ka kala Socota Caalamka.

Kullankan oo ahaa Mid Qarsoodiya ayaa waxaa ku Wehelinayay Shaqsiyaad ka mid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka jarmalka iyo Wariyhii Horncable Tv Mustafe X.Aadan haaruun, Balse ilaa hadda ma Cadda Wax hadal ah oo ka Soo baxay Masuulkan Shacabka Somaliland Matalayay iyo ujeedada uu kalahaa Kullankaasi.

Xoggo aan la hubin oo Warbaahintu Heshay ayaa Sheegaya in Masuulkani Magac Somaaliyeed ugu tagay Madaxwaynaha Hawlo ugaar ahna kala hadlayay halka ilaha Qaarkood Sheegayaan in uu Xil ka Doonayay Dawlada Federalka Somaliya.

Dhinaca kale Mid ka mid ah Dadkii Goob jooga ka ahaa Kullankaasi oo Haldoornews Khadka Telefoonka kula Xidhiidhay ayaa Sheegay in Gudoomiyaha Jaalliyadu Magaca Somaliland ku joogay Goobta isla markaana Laabta ku Siday Calanka Wadankiisa.

Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland C/fataax Cismaan Cigaal oo aan isku daynay inaan Wax ka Waydiiyo Arimahaasi ayaanay noo Suuro galin in aanu ku Helno Khadka Telefoonka.

Arintan ayaa la yaab iyo Amakaag Ku noqotay Jaalliyadaha Reer Somaliland ee Dhawaan doortay Gudoomiyahan kuwaasi oo ka Biyo Diiday Falka uu ku kacay Masuulkan Huwan Magacii Somaliland ee aan isaga oo Cidna kala Tashan kullan Qarsoodi ah la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya.

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *