News

Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo si Layaab leh loogu soo Dhaweeyey Degaamada Boon ilaa Saylac ee Gobolka Salal

Byadmin

Feb 15, 2016

Saylac (Haldoornews)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degaamada xidhiidhiya Gobollada Awdal ilaa Salal ee galbeedka Somaliland.
Weftiga oo saaka ambabaxay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ay maalmahanba u joogeen hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee halkaa ka socota, ayaa si layaab loogu soo dhaweeyey degaannada ku yaal degmada Qolujeed ilaa Saylac oo ah xarunta Gobolka Salal, iyadoo kumanaan dadweynaha u dhaqan magaalooyinka iyo tuulooyinka taxan jidka isku xidha labada gobo loo cabbir dhererkiisu dhan yahay 380KM u taagnaayeen qaabilaadda murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo madaxda uu horkacayey.
Soo dhawaynta shacabku ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo aanay u kala hadhin yar iyo wayn, waxa goobaha ilyartu isqabatay isu-soo-baxa dadweynaha ka mid ahaa degmooyinka Boon, Xariirad iyo Saylac iyo weliba degaannada mid walba hoos yimaada sida Darac-budhuq, Ceebaxay iyo Aroorseel, Aroorseel, Habaasweyn, Cabdiqaadir, Jidhi, Ceel-gaal, Caasho-caddo iyo magaalada Saylac, kuwaas oo meel walba dadweyne ku lebbisan ama lulaya calanka xisbal-xaakimka ay ku qaabilayeen weftiga oo iyaguna khudbado uga jeediyey fagaarayaal kala duwan, isla markaana ku wacyigelinayey ka qaybqaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Qaranka.
Odayaasha iyo hoggaamiyayaasha qaybaha bulshada ee degaannada Boon, Xariirad, Cabdiqaadir, Jidhi, Ceel-gaal iyo Caasho-caddo, ayaa caddeeyey inay si buuxda u garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo ay carrabka ku adkeeyeen in aanay marnaba ku beddelanayn nin aanay garanayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, madaxda hoggaanka xisbiga, xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale oo iyaguna hadallo uga jeediyey shacabka ka farxiyey, ayaa uga mahadceliyey soo dhawaymaha aan xaddiga lahayn ee ay u muujiyeen, isagoo kula dardaarmay inay si buuxda u isu-diiwaangeliyaan si ay codkooda ugaga dhabbeeyaan taageerada xisbal-xaakimka.
Geesta kale, weftiga xisbiga KULMIYE mucaawano raashin gaadhsiiyey qaar ka mid ah degaamada abaaruhu saameeyeen ee hoos yimaada degmooyinka Boon iyo Xariirad ee Gobolka Salal, iyadoo Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta u sheegay dadka in xukuumaddu degdeg u bilaabayso gurmad degdeg ah oo lagu taakuleeyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *