Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi oo ahaa Aqoonyahan Wax badan ka Qabtay Gobolka ayaa Baaq udiray Bulshada ku Dhaqan Gobolka Gabiley isaga oo ku Booriyay inay Diiwaan galinta kaalin Mugleh ka qaataan.
Aqoonyahan Maxamed oo Baaqan soo Gaadhsiiyay Xarunta Shabakada Gabileynews ee Dalka Jarmalka ayaa waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay sida tan “Waxaan Marka hore u gudinayaa dadwaynaha ku dhaqan gobolka gabiley dal iyo dibadba salaan kal iyo laab ah.
Waxaan halkan kaga baaqayaa kana codsanayaa inaynu si mug leh uga qayb qaadano diiwaangalinta socota gobal ahaan.
Diiwaan galintu xisbi kuma xidhna.
Diiwaan galintu siyaasad kuma xidhna
Diiwaan galintu shaqsiyaad iyo hebelo kuma xidhna
Diiwaaglinta waa tiro koob sugaya tirada degan gobolka oo saami qaybsiga uu gobolku ka heli karo ama qaadan karo khayraadka dalka ha noqoto mid dawli ah ama mid caalami ah.Dadwaynuhu waxay ugu codayn karaan ciday doonana ku soo saari karaan markay si wadajir ah u qaataan kaarka codbixita isna diiwaangalyaan.
Diiwaan galintii horena waxaynu galay kaalmaha hore tana waxaynu isku dardaraamaynaa inaynu si buuxda uga qayb qaadano yar iyo waynba gaar ahaan dhalinyarada oo ah cududa bulshada iyo mustaqbalka barri haddii alle yidhaa” ayuu yidhi Maxamed Axmed Aw Cabdi.
Aqoonyahan Maxamed Axmed Aw Cabdi oo haatan ka mid ah Qurbajoogta Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalka Sweden ayaa ku Suntan Shaqsiyaadka Bulshadu Si wayn udhagaysato isla markaana Daacada ka ah Waxqabadka iyo Horumarka Gobolka iyo Dalka Somaliland.
source: Gabileynews.net