Haldoornews.com
Saylici iyo Muuse Biixi oo waji gabax maanta kala kulmay gobolka Awdal iyo fadeexado qabsaday
February 14, 2016 - Written by admin

bbramaBoorama(Haldoornews)-Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigii uu hogaaminaayay ee ka koobnaa gudoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa shalay iyo maanta la kala kulmay arimo waji gabax ku ah, iyada oo shalay iyo saakaba madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Sayalaci ay dhabarka u sii jeediyeen dadweyne ka mid ahaa dadkii soo doortay ee deegaanaada uu ka soo jeedo siiba jufadiisa hoose oo ku sameeyay mudaharaado cilmiyaysan oo ay ka mid ahaayeen ka aamusid iyo dhabar u sii jeedin, xaga qaar kalena ay hor dhigeen in waxii ay ololaha ku galeen ee ay isaga iyo Siilaanyo dalka ku qabsadeen ay ka leexiyeen dhabadii uu ku socday isla markaasina ay dalkii dib u celiyeen.

Sidoo kale waxa la hor dhigay wax qabad laanta xukumaddiisa ee gobolka Awdal oo aan haba yaraatee waxii loo balan qaaday aan loo qaban, taasi oo maamulkii dalka ee uu hagi lahaa madaxweyne ku xigeenku hadii uu madaxweynahu uu xanuunsnaayo ay dalka maamulkiisii la wareegeen afada Siilaanyo iyo wiilka ay sodoga u tahay ee Baashe Cawil Morgan. taasi oo madaxweyne ku xigeenka goobo badan lagaga canaantay.

Dhanka kalena waxa jira diidmo xoogan iyo mudaharaado lagu diidanyahay waftiga uu hogaaminaayay Sayalaci oo saaka qabsaday Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo ka dhacay dhowr tuulo oo ka baxsan magaalada Borame oo ay saaka u tageen wacyigalin, halkaasi oo ay buuqii iyo diidmadii ugu badnayd kala kulmeen deegaanka Qol-ujeed oo si xoogan saaka loogaga mudahraaday markii ay soo gaadheen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa, halkaasi oo buuq xoogani uu ka dhashay.

Isku soo wada duuboo sansaanka ay xisbiga Kulmiye iyo xukumadda Siilaanyo kala kulmeen gobolka Awdal iyo gobolka Togdheer oo ay hore u tageen waxa ay ku tusinaysaa in aan xisbiga Kulmiye wax rajo ah ku lahayn doorashada soo socota, caalamadaha hor dhaca ah ee soo baxayaana waxa ay muujinayaan in xisbiyada mucaaridku ay ka horeeyaan xukumadda iyo xusbigooda Kulmiye

COMMENTS
Arimaha Diinta