News

Maayarka Gabiley oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Sanka ka Qabsatay Marwada Madaxwaynaha oo Xadhiga ka Jaraysay Dhisme Gabiley laga Hirgaliyay.

Byadmin

Feb 14, 2016

Gabiley (Haldoornews)-Maayarka Magaalada Gabiley ayaa Maanta Xabsiga u Taxaabay Dhalinyaro Dareenkoodu Cabirtay oo Sanka is Qabtay mar ay marwada Madaxwayne Siilaanyo Xadhiga ka Jaraysay Dhisme lagu Kordhiyay Dawlada Hoose ee Gabiley .

Dhalinyaro Tiro badan oo Goobjoog ka ahaa Xadhig ka jarka Goobtaasi oo Saluugsan Waxqabadka Xukuumada Kulmiye ayaa Markii marwadu soo gashay Goobta Dhamaantood Sanka isqabtay kuwaasi oo Maayarku Amar ku Bixiyay in dhamaantood la xidho.

Wararka naga Soo gaadhay Magaalada Gabiley ayaa Sheegaya in Goor dhawayd Xabsiga loo Taxaabay Sacad Aadan Cumar iyo khaddar Dhiincawl oo ka mid ah Dhalinyarada ku dhaqan Gobolka Gabiley oo Maayarku amray in Xabsiga la dhigo cidii ka Danbaysay Falka lagu diidanaa Marwada Madaxwaynaha.

Dhismahan Marwadu Xadhiga ka jaraysay oo ahaa  Dhisme uu Mashruuciisa soo qaaday Maayarkii hore ee Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo dhawaan la Dhamaystiray ayaa waxaa Goobtii Xadhig ka jarku mar kaliya isku badalay Mudaharaad lagu Diidanyahay Waftiga Marwada ee Soo gaadhay magaalada.

Maayar maxamed-Aamin Cumar Cabdi oo aanu isku Daynay inaanu Wax ka waydiino arintaasi ayaanay noo Suuro galin inaanu ku Helno Khadka Telefoonka.

Illaa Hadda lama Garanayo ujeedada ka danbaysay Mudaraadkaasi Salmiga ahaa ee lagu Jidh-diiday Marwo Aamina Waris  balse wixii ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayga danbe.

Haldoornews.com

contact@haldoornews.comIMG_AED5A1-4880B6-EA3EDF-B2DA9A-D14707-18547A

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *