Haldoornews.com
“Kelmadan Garxajis Horta Ma Xisbiga Waddani Ayay La Socotay”Faysal Cali Waraabe
February 14, 2016 - Written by admin

ffHargeysa (Haldoornews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo safar ugu maqnaa Mareykanka iyo Finland, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa waxa uu ka hadlay xaalada uu dalku marayo, sida Diiwaangelinta socota, waxaanu sheegay inay ilaa hadda Diiwaangelintu u socoto si fiican, waxaanu Komishanka ku amaanay siday Diiwaangelinta uga qabteen Gobolka Togdheer iyo sida ay uga bilaabeen Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ku eedayey inay hantidii ,qaranka isticmalayaan una isticmalayaan olole, waxaanu isaga oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa ugu waramaya Warbaahinta, isaga oo ugu horeyn ka hadlay safarkiisa uu yidhi “Waxaan safarkayga ku tagay dalka Maraykanka iyo Yurub waxaana soo maray Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Finland anigoo kala hadlay halka ay inoo marayso diiwaangalinteeni, waxaana sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka marayka waxaanan kala hadlay xaalada guud ee dalkeena iyo halka ay wax inoo marayaan”

Eng: Faysal  Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta  iyo labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa yidhi  “Hantidii Umadda oo ay labaduba yihiin laba Xisbi oo xukuumadda ka wada tirsan weeye wayna ku ololaynayaan anaa kaa gaadhi badan iyo anaa kaa gawaadhi badan waxaana la modaa in labadoodaba imika ay gudoomiyinimada xisbigu ugu horayso” .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe  ayaa mar uu ka hadlaayey reerka uu ka soo jeedo iyo sida muddooyinkii ugu dambeeyey loo adeegsanayey ayaa yidhi  “ Waxaa Baryahan aad u badatay Kalmadda Garxajjis La yidhaa , Anigu waxaan ka soo jeeda Beeshaas , 15 Sanno ayaan ahaa Gudoomiye Xisbi Kalmaddaasi may jirin waxaan garan la’ahay kalmaddaasi ma Waddani ayay la dhalatay , Markii aanu waddani jirin miyaanu garxajjis jirin , waxaan leeyahay ha la kala saaro Waddani iyo Gerxajjis , Xisbi Siyaasiya weeye , Xisbi Qaran weeye , Wax kasta in la Gerxajiseeyo , Wax kasta in la qabiileeyo looma baahnaa ”

Dhanka kale Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay uu komishanka ku amaanay sida ay diiwaangelinta uga fuliyeen Gobolka Togdheer, iyo sida ay hadda uga wadaan Gobolka Awdal, waxaanu ku baaqay in dadka abaaruhu hayaan loo gurmado,

Source Geeska

 

COMMENTS
Arimaha Diinta