Aragtida Dadweynaha

Halqabsiyada Magaca Magaalooyinka iyo Degaannada Qaybtii Koowaad. Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

Byadmin

Feb 12, 2016

maxamed-baasheHal-ku-dhegyada, hal-haysyada iyo Halqabsiyadu waa qalab ka mid ah qurxiyeyaasha hadalka. Waxa ay hodaneeyaan afka, waana isirro soo dhoweeya fahamka waxa marba laga hadlayo. Maahmaahda iyo gabay- ama maanso-ku-maahmaahyada ayay u dhigmaan oo la awood yihiin.

Xilliyada kaftanka iyo xifaalaha waxa jira hal-ku-dhigya lagu hal-qabsado oo magaalooyinka Soomaalidu degto ama degaannada ay ku nooshahay la xidhiidha.

Halqabsiyadaasi waxa ay ku saabsan yihiin hab-dhaqanka iyo fekerka dadka magaaladaas ama degaankaas ku nool intooda badan lagu baadisooco, dabeecadda degaanka sida taariikhda, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka, cimilada, xoolaha shimbiraha iwm.

  • Maxaa ka qabsaday Qoryaale Xashiish!

Qoryaale  waa magaalo ka mid ah gobolka Togdheer. Xashiishna waa Axmed Cabdillaahi Bashiir (Xashiish) oo ahaa maalqabeen laga caan ka ahaa Burco, Hargeysa iyo Berbera oo ganacsigiisu ka muuqan jirey illaa beri dhowayto. 1960 ayuu Qoryaale iska sharraxay doorashadii wakiillada ee Somaliland  xisbigii NUF ee Maykal Maryama madaxda ka ahaa.

Rag kale oo reer Togdheer ah ayaa waxa ay Xashiish isla Qoryaale ka soo dhinac sharraxeen Ciise Jaamac Gaade oo reer tiro badan ka soo jeeda. Xisbigii SNL ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal madaxda ka ahaa ayaa Ciise laga soo sharraxay.

Niman af-kalaxleyaal ah oo media ka dhignaa ayaa olole dacaayadeed oo badan sharraxaadda Ciise Jaamac Gaade u sameeyey. Cabdillaahi Caajis nin la odhan jirey ayaa ka mid ahaa raggaas. Waxa ay faafiyeen in Xashiish yidhi “Anigu maxaan faro ku falayaa timirtaydaa ii foodaysa’e”. Warkaas baa faafay.

Doorashadaasi waxa ay dhacday 17-kii April 1960. Waxa ay ahayd doorashadii ugu horraysay. Waxa ku tartamay SNL, USP iyo NUF. 33 kursi ayaa lagu tartamayey. 20 ka mid ah waxa ku guulaystey SNL oo u ololaynayey gobannimo Ingiriis laga qaato iyo midnimo wada socda oo isku mar ah, 12 kursi waxa helay USP oo la hayey aragti ah in gobannimo Ingiriiska laga qaato, hase yeeshee midnimada loo yar kaadiyo dhawr bilood. Kursi keli ahna waxa helay NUF oo qabey in gobannimo laga qaato Ingiriis, hase yeeshee uu gacanta Somaliland ku sii hayo oo maamulka dawladnimo ina sii baro, midnimada la la galo Soomaalida Talyaaniga se aan  lagu degdegin.

“Maska daba socdiyo Maykal iska eeg” iyo “Laa Laa, Laa yaa Garaad” ayaa ka mid ahaa halqabsiyadii shaac baxay ee doorashadaas. Waa Maykal Maryama oo NUF ahaa iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo USP ahaa raggaas la la hadlayey oo looga baqsanaa in ay gobannimada iyo midnimada kala reebayaan, kala dambaysiinta labadaas na Ingiriisku wuu la dhacsanaa. Hase yeeshee SNL iyo dadka badidiisu taas ma aanay maqli karayn dhegahoodu.

Doorashadaas baa la galay. Ciise Jaamac Gaade ayaa soo baxay, Xashiisna wuu hadhay. Markaas na waxa ay yidhaahdeen “Maxaa ka qabsaday Qoryaale Xashiish!” Waxa uu noqday halqabsi shaac baxa oo la adeegsado.

  • Ceelkii Qoryaale iyo Warsame-weyne maxaa laga yeelayaa!

Warsame-weyne waa Warsame Jaamac oo ahaa nin aan lagaga daba dhufan oo Qoryaale waagaas xornimada la qaadanayey iyo sannadihii ka dambeey ka-amar-ku-taaglayn jirey oo ahaa nin aad u ragannimo badan, Ciise Jaamac Qaade na ay isku reer ahaayeen. Ciise Jaamac Gaade waa kii doorashadii xildhibaannada ku soo baxay magaalada Qoryaale xisbigii SNL,  April 1960.

Ciise Jaamac Qaade waxa uu madaxdii Somaliland oo xisbigiisii doorashada ku guulaystey ee SNL hormood u yahay ula baqoolay Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey bishii Juun 1960. Waxa uu ku biiray isaga iyo xubnihii kale ee xildhabaannadii Somaliland 90-kii wakiil ee kale ee Soomaalidii Koonfurta.

Xaruntii barlamaanka ayuu kaga qayb qaatay doodihii iyo mooshinnadii ku saabsanaa arrimihii dawladdii Jamhuuriyadda Soomaalida ee cusbayd. Maalin iyada oo haddaba laga doodayo arrin ku saabsan arrimaha dibedda, gaar ahaan xidhiidhkii ka dhaxayn lahaa Jamhuuriyadda cusub iyo Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka, iyo dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka, ayaa Ciise Jaamac Gaade cabbaar dhegaystey. dhegta ayuu maalay. Dib ayuu u jalleeco daymooday halkii laga soo doortay iyo Qoryaale iyo wixii uu dhawrto iyo dhibaato ku ogaa ee uu kaga yimi.

Farta ayuu kalkisii kor u taagay. Ku yeh “Waar horta Ruush iyo Shiine inoo yar kaadiya oo “Maxaa Warsame-weyne iyo ceelkii Qoryaale laga yeelayaa”!

Kanna waxa uu noqday halqabsi caan baxa oo si weyn looga adeegsado gobolka Togdheer iyo gobollada kale ee la ollogga ah.

  • Kismaanyo kistaada iyo kaskaaga mid uun ku joog!

Kismaayo, caasimadda gobolka Jubbada Hoose waxa la tilmaami jirey in ay ahaan jirtey meel aan la isu jixinjixin, qof kastaana uu ama kistiisa (maalkiisa) ku joogo ama tab iyo xeel kale.

  • Adaa Dubay yimide debber naftaada!

(Hunaa Dubay debber nafsak) ayaa la odhan jirey marka qof cusubi Dubay soo galo xilligii masaska la cuni jirey ee aan weli saliidda (Petroolka) la dooxin ee laga soo saarin dhulkaas.

Jigjiga Maykeeda Ha Sidato!

Saddex nin oo reer Sanaag ah oo guri ku qayilaya ayaa mayd habeen la soo hor dhigay magaalada Jijiga. Niman waageeni ama soogalayti ah bay ahaayeen, waana la wanjalayey baa la nyidhi.

Xilliyadii hore illaa dhowaan suuliga/musuqusha waxa magaalooyin badan laga dhisi jirey meel guriga dibeddiisa ah oo ka go’an. Mar ba nin baa soo kacay si uu ay suuliga/musqusha u soo booqdaan, uguna soo xaajo gutaan. Mid waliba waxa soo arkay mayd guriga hortiisa yaalla. Way isu khuuriyaan ama maakhiriyeeyeen oo isuma ay sheegin mashaqada la soo hor dhigay. Markii dambe ayaa midkood adkaysan waayey oo kuwii kale ku yidhi “waar aynu wada og nahay waxa guriga inoo horyaal ee maxaynu yeellaa?”

La yeh “aynu naxash ka soo qaadanno masaajiska oo maydka saarno, oo masaajidka aynu kula kallahno, ha lagu tukado oo aynu qaadno, dadkuna way inala qaadi doonaane. Markii dhinacyada la boobay ee naxashkii la la yaacay, oo lagu la tibbaday dhankii xabaalaha oo aan magaalada waxba ka fogayn, ayaa inta ay si yar uga baxeen, midkood yidhi Jigjigi haddaba maydkeeda ha sidato.

  • Marka la qabtaa bay Congo u booddaa!

Nin mushaki ah oo is tusayey in dadkuba isaga hadal hayaan magaalada Burco ayaa laba nin oo sheekaysanaya ku soo durkay oo dhegta u raariciyey. Labada nin waxa ay ka sheekaysanayeen dagaallo ka socdey Congo, badhtamaha Afrika. Labada nin ee sheekaysanayaa waxa ay dareemeen in ninka wax ka si’ yihiin oo uu kuna soo dhowaanayno. Ereyga Congo ayuu ka maqlay markii uu u wax yar u soo jirsadey halkii ay taagnaayeen, Iyana way yar aamuseen. Ninkii shakiga dhaansanaa ayaa is yidhi sheekadii bay kuu beddeleen kula soo booday oo ku yidhi “Dayday, bal eega waxaas, marka la qabtaa bay Congo u booddaaye”.

  • Ma Daadkii Xaabaalaa!

Koonfur Hargeysa waxa ku yaalla Madaarka korkiisa shishe degaanka Xaabaale. Daad ay soo rogeen roob meel fog ku da’ay oo aan la filayn ayuun baa lagu baraarugaa kiiyoo daf soo yidhi degaankaas oo xallinaya sida aalaaba ka dhacda dhulka dooxyadu maraan sida Maroodijeex, Togdheer, Waaheen iwm. Haddaba halqabiganna waxa loo adeegsada qofka dafdafta badan ee iska xalliya ee arrimo aan khusayn dalaq iska soo yidhaa.

  • War jiraaba Cakaaruu iman!

Dhegta halka maqalku ku soo horreeyo ayaa cakaara la yidhaa. Ceel la isugu iman jirey oo geed lagu shiraana ku yaallo oo gobolka Sanaag ah, waxa aan u maqlay in cakaara la yidhaa, dadka qaar meel galbeedka dhulka Soomaalida ee Itoobiya ka mid ah ayay kaga tibaax bixiyeen, hase yeeshee laba arrimood xaqiiqo sugan looma hayo.

  • Xamar xisaab ku joog , Xarardheere na xoog!

Xamar la iskuma jixin jixo oo waa la xisaabtamaa, wax wada cun iyo iga dhiib ma leh oo tab iyo xeeshaa ku joog Xarardheere na xoog (Mudug) oo waxa lagu xifaaleeyaa gar iyo xoog, jujuub iyo nin-toocsi aan la isku joojin iyo indho-adayg!

La soco qaybta 2aad, haddii uu Alle idmo.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *