Featured News

Daawo Hees cusub oo caawa Daawaha laga soo Qaaday , lana yidhaahdo Hargeysa kama Tageen iyo codkii Dahabiga ahaa ee Yurub Geenyo.

Byadmin

Feb 11, 2016

Heestan oo uu sameeyey Abwaan Sidiq Burmad, waxa uu ka waramay qisada heestani siday ku timid. Akhriso Qoraalka hoose.

Sheekaba sheekay keentaaye sannadii laba kun iyo todobadii ayaanu tababar culuumta saxaafada ah u tagnay aniga iyo dhowr iyo labaatan wariye oo ka kala yimi Somaliland puntland iyo koonfurta Somalia. Sadex bilood oo halkaas aanu joognay ayaa hudheelka aan daganayn qolkaygu majlis noo ahaa aniga iyo asxaabta wariyayaasha inta aanu isku balwadda ahayn marka laga reebo Mubaarig cabdi yuusuf iyo Barkhad M. Kaariye oo iyaga oon qayillayn haddana aan hortaayo seexan jirin. ninba meesha bugtaa isagay balbashaaye wariyaha wayn ee Khadar Mahamed Cakulle oo kamid ahaa wariyayaashaas aanu sadexdaas bilood wada noolayn ayaa noqday ninka dhan aan ugu dhagaysiga badanahay dhanka kalana caqabada qayilaada noqday. habeenkii alle keenaba ugu yaraan shangoor ayuu tilifoon hargeysa kula hadlaa. marka kiisa lacagtu ka dhamaato sidaas kuma joogsadee waa inuu tilifoonadayada kolba mid siduu u qaadanayo uguna hadlayo lacagta ka wada dhameeyaa. qofmooyee qof labaad oo uu lahadlayona marqudha kamaanu maqal. ilaa ay gaadhay in nin waliba tilifoonkiisa qolkiisa kaga yimaado si aanu khadar ugu hadlin. waxaanu waydiinay waxan uu ugu sheekeeyo suhuur habeen walba. waxa uu noogu jawaabay tilifoonku iguma filna waxaaban ka baqayaa in aan wiigan hargeysa ku noqdo oon tababarkaba iskaga tago. “hadaan moodayo inaan sidan oo dhan ugu boholyoobayo suhuur kamaan imaadeenba” ayuu hada khadar yidhi. waana weedha igu dhalisan inaan dareenkiisa wakhtigaas ka sameeyo heestan caawa soo baxday. heesta waxa layidhaa hargeysa kamaan tegeen. waagaas halkaas waxa ay ahayd suhuurba kamaan tageen. waanse badalay oo waxaan ka dhigay hargeysa kamaan tageen waayo heestii ayay gabadhi qaadaysaa imika. bal heeskana aan wada dhagaysanno codka fannaanada geenyo, laxanka bk iyo beelle iyo muusiga furinle
Qalbigu wuu taamayaa
wuxuu tabayuu rabaa
tiiraanyana wuu qabaa
tumaati ku kaysa oo
ayaamo tilmaamanoo
taguu sii dhaadayaa
xusuusaha taabayaa
tashbay ku abuurayaan
hadaan sii oagay taniyo
tabaalaha caashaqee
adoo tacabiray ku hela
intay tahan leeg yihiin
midkaan u tasoobay iyo
hargeysa kamaan tageen
2
tandhaaf caashaqu markaan
dhoofuu igu sii tarmoo
hurdada taam uma ladee
kashaan ka tawaawacaa
marbaan taw soo idhaa
talaabo kusoo baxaa
hadana toosaa arkaa
inaan taaganay halkii
hadaan sii oagay taniyo
tabaalaha caashaqee
adoo tacabiray ku hela
intay tahan leeg yihiin
midkaan u tasoobay iyo
hargeysa kamaan tageen

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *