News

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka la wareegay deegaanka Biyo-Cadde ee Sh/Dhexe.

Byadmin

Feb 11, 2016

amizonCiidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waabarigii hore si nabad kula wareegay deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo dabaabaadka ayaa gudaha u galay deegaanka abaarihii lixdii subaxnimo.

Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Biyo Cadde, iyagoo aan wax iska caabin la kulmin sida uu yiri.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa magaalada Jowhar waxaa uu u dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay 40-KM, halka degmada Mahadaay u jiro 25 KM.

Maleeshiyo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ababaulo ciidan ka waday degmada Mahadaay, kaasoo ku wajahanaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa caan ku ah Ganacsiga, waxaana todobaadkiiba maalinta jimcaha ka jira ganacsi xowli ah oo dadka isaga kala yimaada tuulooyinka ay u iib-keenaan xoolaha iyo alaabaha kale ee ganacsiga.

La wareegitaanka deegaankan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo magaalada Jowhar ay taallo gogosha madasha shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *