Haldoornews.com
Shil Tareen oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Koofurta dalka Jarmalka.
February 10, 2016 - Written by admin

tarUgu yaraan sideed ruux ayaa ku geeriyootay, 100 kelana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii labo tareen oo kuwa rakaabka ahaa isku dhaceen koofurta Jarmalka.

Shilkan tareen ayaa saameyn ku yeeshay dhamaan qadadkii Tareenka oo gebi ahaanba istaagay, waxaana socda howl gal samata bixin ah.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa la sheegay in xaaladooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen kooxaha caafimaadka

Muuqaalo laga soo qaaday halka shilkan tareen ka dhacay oo ah Gobolka Bavaria ayaa ka muuqday bur burka tareenka iyo gurmad xoogan oo socday.

Booliska ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ay ku mashquulsan yihiin sidii dadka ku dhex jira bur burka tareenka ugu soo dhex saari lahaayeen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dhaawacyada, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaan ka badato.

tara

COMMENTS
Arimaha Diinta