Featured News

Munaasabad Balaadhan oo lagu Daahfuray Laantii Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka iyo Fananiin Wacdaro ka dhigay Xalay Halkaasi.

Byadmin

Feb 7, 2016

Kassel (Haldoornews)-Munaasabad Balaadhan oo lagu Daahfuray Laanta Xisbiga Kulmiye ee Dalka Jarmalka ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Jasmin ee Magaalada Kassel.

Munaasabadaasi oo ay ka Soo Qayb galeen Masuuliyiinta Laamaha Xisbiga Kulmiye ee Dalalka Yurub, Taageeryaasha Xisbiga iyo Fanaaniin Tiro badan oo Halkaasi xalay ka Qaaday Heeso kala Duwan.

Munaasabadan oo Khadka Telefoonka ay kaga Qayb gaateen Musharaxa Madaxwayne ee xibiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Mud.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxay aad ugu Mahadnaqeen Qurbajoogta Somaliland ee Jarmalka iyaga oo ugu Hambalyeeyay Daahfurka Xisbiga Kulmiye ee jarmalka lagu soo bandhigay, Waxaa kale oo ay uga Mahadnaqeen Taageerada Dhaqaale ee ay mar walba la garab taaganyihiin Dadkooda iyo Dalkooda.

Munaasabadan oo ay Hadalo Ka jeediyeen Masuuliyiin Tiro badan oo ay ka mid ahaaneen Gudoomiyaha Kulmiye Laantiisa Wadanka Findland Axmed C/laahi Khaliif, Gudoomiyaha Kulmiye laantiisa Wadanka Sweden Fu,aad Kaamil Ciise, iyo Gudida ku meel Gaadhka ah ee isku Xilqaamay inay Daahfuraan Laantii Xisbiga Kulmiye ee Dalka Jarmalka oo kala  ahaa Gudoomiye C/kariin Diiriye (Xalaawo), Gudoomiye ku Xigeen Aadan Cabdi Aleeli, iyo Xoghaye Cabdale ayaanle Cartan .

Muqaalka Munaasabadan oo dhamaystan waxaad ka Daawan Doontaan Haldoornews.com , waxaa kale oo aanu idiin soo Gudbin doonaa Muuqaalada Heeso Cusub oo Madasha ay ka Qaateen Fanaaniin Tiro badan iyo Khudbadihii Masuuliyiinta.

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

Kassel Germany

12 3 4 5 6 7 8 9 10 11 13 14  16 17 18 19

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *