Haldoornews.com
Alle Ha u Naxariistee Waxaa Maanta Jarmalka ku Geeriyootay Xaaskii hore Boobe Yusuf Ducaale iyo Gudoomiye Cirro oo Tacsi udiray.
February 3, 2016 - Written by admin

 

tacsiHanover (Haldoornews)- Alle Ha Unaxariistee Waxaa Maanta Dalka Jarmalka Ku Geeriyootay Marxuumad Sahiira Xuseen Rooble Oo Ahayd Xaaskii Hore Ee Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ku Geeriyootay Magaalada Hess oldendorfoo Ku Dhaw Hanover, Halkaasi Oo Ay Deganayd Marxuumada Iyo Seddex Caruur Ah Oo Ay U Dhashay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Muj.Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Marxuumada ayaa lagu Aasi Doonaa Xabaalaha Islaamka ee Magaalada Hanover,Dhamaan Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Haldoornews.com Waxay Tacsi Tiiraanyo leh udirayaan Qoyska Reer Boobe Yuusuf Ducaale ee ay ka Geeriyootay Marxuumad Sahiira Xuseen Rooble.

Dhinaca KaleGuddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI Muj.Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Alle ha u naxariistee ay dalka Jarmalka ku geeriyootay xaaskiisii hore ee Sahiira Xuseen Rooble oo u dhashay caruurta bahdiisii hore ee yar yarayd.

 

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaana qoyska Ilma Boobe Yuusuf Ducaale, qaraabaddii, iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumaddu, isaga oo ku sifeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kalena u sama-fasha dadka danyarta ah.

 

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumadda Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxdayna  samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin

 

 

Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun

 

COMMENTS
Arimaha Diinta