Waxaa la Ogaysiinayaa Dadwaynaha Reer Somaliland eek u Dhaqan Dalka Jarmalka iyo Taageerayaasha Xisbul Xaakimka Kulmiye in maalinta sabtida ee bishu tahay 06/02/2016, Habeenka Axadu Soo galayso saacaduna tahay laga bilaabo 6 Fiidnimo ilaa 6 Subaxnimo in lagu qabanaayo xaflad aad u balaadhan oo lagu Taageerayo Murashaxiinta Madaxtinimo ee Xisbiga kulmiye Muj. Muuse biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan cabdilaahi ismail (saylici) Xafladaas oo ka dhici doonta magalada Kassel ee dalka Jarmalka,
Munaasabadan ayaa la filayaa in Noqotoh Mid ka Duwan Xafladihii hore ee lagu Qaban jiray Jarmalka ayaa Noqon Doono Mid Taageerayaasha Kulmiye ku muujiyaan Cududooda Iyo Taageerada ayu hayaa Musharixiinta Xisbiga .
Munaasabadan ayaa laga Soo Wareejiyay Hoolkii Hore ee lagu Qabanayay Xaflada ka Dib markii Maamulka Xisbiga ee Dalka Jarmalku isla Garteen in Taageerayaashooda aanu Qaadi Karin sidaa Awgeed Waxaa lagu qaban Doonaa Xaflada Hoolkii Yasmin Saal ee lagu Qaban jiray Xaflada 18-ka may kaasi Ciwaankiisu Shaashada ku Qaranyahay.
Address: Jasmin Saal Germany 34123 Kassel Sandershäuser Str. 43.
Wixii Faahfaahina ee intaa Dheer kala Xidhiidh Telefoonada Hoos ku Xusan.
015212141228
015758513149
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Laantiisa Dalka Jarmalka
Cabdalle Ayaanle Cartan