Haldoornews.com
Daawo Madax-weynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Salaad Roob Doonta La Tukaday
February 1, 2016 - Written by admin

Burco(Haldoornews)-Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu saaka la tukaday kumanaan Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco, Salaadii Roobdoonta ee uu madaxweynuhu 30.01.2016 uu iclaamiyey in guud ahaan dalka laga tukado maanta oo ay taariikhdu tahay 01.02.2016.

Salaada Roobdoonta oo uu madaxweynuhu kula tukaday shacbiga Togdheer Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamzay Stadium, oo ay igu soo baxen kumanaan ka mida shacbiga ku dhaqan magaalada burco.

Intii lagu gudo jiray u diyaar garawga Salaada roobdoonta waxa shacbiga la hadlay qaar ka mida Culimada gobolka oo khudbado kala duwan u jeediyey, kuna dardaaray inay is cafiyaan oo ay alle danbi dhaaf waydiistaan.

Ugu danbayna Madaxweynaha Qaranka ayaa guud ahaan shacbiga

Somaliland halkaa uga duceeyey allena uga baryey inuu raxmadiisa u shubo, kana soo furto abaaraha iyo biyo yaraanta.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tegay goobo ay ka socotay Diwaangelinta Codbixinta iyo Muwaadinka, waxaana goobahaasi warbiximo ka siiyey dhalintii ama hawlwadeenadii gacanta ku hayey shaqada iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancade, iyadoo Madaxweynuhuna uu shacbiga ku dheerigeliyey inay isdiwaangeliyaan oo ay ka faaiidaystaan wakhtiga ay socoto diwaangelintu, si ay hadhaw u muujiyaan codkooda ama kaalintooda muwaadinimo oo ah mid waajib ku ah qofkasta oo u dhashay Somaliland.

COMMENTS
Arimaha Diinta