Haldoornews.com
Ogaysiis: Daahfurka Xisbiga Kulmiye Laantiisa Wadanka Jarmalka oo ku Beegan 06/02/2016  oo lagu Qaban Doono Magaalada Kassel ee Dalka Jarmalka.
January 31, 2016 - Written by admin

12631227_1114153878618732_1886298722_o

Waxaa La ogaysiinayaa Dhamaan Bulsho Waynta Reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye  ee Ku Dhaqan Dalka Jarmalka iyo Hareerihiisa in Munaasabad Balaadhan oo lagu Daahfurayo Xisbiga Kulmiye Laantiisa Jarmalka Lagu Qaban Doono Magaalada Kassel maalinta sabtida ee bishu tahay 06/02/2016, Habeenka Axadu Soo galayso saacaduna tahay laga bilaabo 4 galabnimo ilaa 12-ka Habeenimo.

Munaasabadan oo ah Mid ka Duwan Xafladihii hore ee lagu Qaban jiray Jarmalka ayaa Noqon Doono Mid Taageerayaasha Kulmiye ku muujiyaan Cududooda Iyo Taageerada ay U hayaan Mushaxiinta Xisbigooda Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)

Sidoo kale Waxaa Munaasabada Lagu Dardargalinayaa Isku Xidhka Laamaha Xisbiga ee Dalka Jarmalka iyo Masuuliyiintooda, Waxaa iyana Habeenkaasi Qayb ka ahaan Doona  Fanaaniin Tiro Badan oo Wacdarro ka Dhigi doono Madasha.

Address: Elisabeth- Selbert Haus. Frankfurter Strasse.298, 34134 Kassel

Wixii Faahfaahina ee intaa Dheer kala Xidhiidh Telefoonada Hoos ku Xusan.

 

015212141228

015758513149

015217698914

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Laantiisa Dalka Jarmalka

Cabdalle Ayaanle Cartan

 

COMMENTS
Arimaha Diinta