Haldoornews.com
Sheekh Maxamed Idiris Oo Ugu Baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Inuu Caddeeyo Waxa Ku Kalifey Inuu  U Sujuudo Askarta Kenya?.
January 30, 2016 - Written by admin

 

Sheekh-Maxamed-IdIrisMuqdisho(Haldoornews): Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida Culimada waaweyn Soomaaliyeed, ayaa waxa uu ka hadlay arrin dood ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, markii la arkay muuqaal uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu sujuudayay Ciidanka Kenya ee Maalintii Arbacadii Xuska loogu sameeyey Magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Sheekh Maxamed Idiris waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu maanta ku baahiyay Bartiisa Facebook-ga.kaas oo uu kaga dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu caddeeyo waxa uu kalifay arrintaasi.

“Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay!

Waxaa baraha xiriirka bulshada ilaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!!

Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda, sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa?

Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay?

Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan, Culimada qaarna wexey qabaan hadii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo hadii kalena dembi weyn tahay.

Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. ILAAHOW na astur.”

 

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

 

COMMENTS
Arimaha Diinta