Haldoornews.com
Is-Bahaysiga Kulmiye- Maxa La Gudboon?? Drs. Hoodo Yusuf
January 30, 2016 - Written by admin
Imaxresdefault
isbahaysiga Kulmiye waxay diidanyaheen qaabkii loo maamulay shirwaynahii Xisbigga kulmiye ee qabsoomay 10th November, 2015 laguna cugtay Colonel Muusa Biixi inuu noqdo Musharaxa  Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye. Ma jiro mabda’ guud  oo ka dhaxeeya  , mana jirto  dan qaran oo kulmisay  “ National interest “.Nin waliba danahiisa gaar ahaaneed ayuu toocsanayaa. Laakinse waa xubno miisaan culus ku leh bulshada Somaliland, waxaanay kasoo kala jeedaan dhamaan degaanada Somaliland. Waxa hubaal aha inay isbedel wayn samayn karaan , haddii ay mideeyaan muruqooda , maalkooda , maskaxdooda oo ay culayskooda  siyaasiga ah meel wada saaraan.
Maxa la gudboon Isbahaysiga Kulmiye  ?
Isbahaysiga  waxa  maanta horyaala  inay kala doortan afar xaalo   “ 4 options”
1). KALA-YAAC : Inay kala yaacaan oo mid-weliba danahiisa gaar-ahaaneed  ku foofo, sida uu yeelay Sheikh Abdilaziz  Samaale.
2.). RAALI-GELIN : Inay raaligelin siiyaan Colonel Muuse Biixi, kuna noqdaan  Kulmiye, sida uu yeelay   Guddoomiye Ku-Xigeenka  Golaha Wakiilada Xildhibaan  Baashe Maxamed Faarax
3.) UCID.  Inay ku biiraan xisbigga UCID, dhex-dhexaadiyaan Guddoomiye Faysal iyo Musharax Jamaal,  kuna biiriyaan dhiig-cusub iyo dar-dargelin.
4.) WADDANI. Inay si qoto dheer u  dersaan barnaamijka qabyo-qoraalka xisbigga  WADDANI .Haddii ay ku qancaan , inay si  midaysan ugu biiraan ,oo aanay hordhiginshuruudo qalafsan, maadama ay ku qanceen barnaamijka Xisbigga.
Ugu danbayn waqtigu wuu is-gurayaa, bulshaduna way idinka xiisa dhacaysaa , hadaydaan qaadan go’aan deg-dega & talo midaysan.Waxaan idiin  soo jeeedin lahaa  inaad qaadataan “option 4 “ oo ku biirtaan xisbigga WADDANI.Sida ka muuqata dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee  Somaliland, waxa kusoo qul-qulaaya  bulsho badan,markaa waxa la raaca dhinaca mowjado u socoto “ Be with the tide “. Maanta Somaliland waxay u baahantahay badbaado qaran,oo danyarta ka badbaadiya sicir-bararka, dhiig-meeradka,ma-gafaaysha, hanti-boobka iyo dulmiga baahsan.
Waa bilaahi towfiiq.
Drs. Hoodo Yusuf , UK.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta