Haldoornews.com
Agaasimaha Wasaarada Maaliyada Oo Sheegay In Wasiirada Iyo Shaqaalaha Dawladu Ka Cararayaan Shilinka Somaliland
January 30, 2016 - Written by admin

7336

Hargaysa(Haldoornews) Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Somaliland Maxamed Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay dhaliilo hore loogu soo jeediyay wasaaradiisa oo ku saabsanaa in Wasaarada Maaliyada ay ku lug leedahay sixir bararka Dolarka Iyo Hoos dhaca shilinka Somaliland

 Kadib Kulan ay yeesheen  golaha  xukuumada Somaliland waxaa looga hadlay sidii hoos loogu dhimi lahaa qiimaha sare usii kacaya ee dolarka,adeegyada( Edahab iyo Zaad) kor u kaca qiimaha Sarrifka ee  lacagta Dollarka,  Sidoo kale, Waxaa Jira niman Sarrif-layaal ah oo kooto(xuurto) ku haysta Sarrifka.

Hadaba  waxa si-isdaba joog ah hoos ugu dhacayey oo maalinba maalinta ka dambaysa sii qiimo beelayey lacagta dollarka.

Kulankaas xukuumada waxaa lagu goaamiyay  Sarrifku wuxuu marayey($1=7800SLSH) gacanta hore, halka gacanta danbena  uu  ka marayey ($1=8000SLSH),  Maanta waxay maraysaa  gacanta  hore ($1=6000SLSH), tan dambena ($1=6200SLSH), Taas  macnaheedu  waxa   weeyaan in qiimaha Sarrifka  ee  gacanta  hore  uu kor u kacay (76.9%) ku   dhawaad   boqolkiiba   todoba   iyo   todobaatan,  Tan dambe, ayaa  iyana  noqonaysa (77.5%), boqolkiiba todo  iyo  todobaan  iyo   badh.

Haddaba, marka la eego  qiimaha   intaa  le’eg  ee uu  Sarrifku   hoos u dhacay, waxaad   dareemi  kartaa  inuu   yahay mid aan  caadi  aheyn.Waxaan  Ognahay Hadaba, in arrintan  qiima  dhaca ah ee  aan  caadiga  ahayni ay ka  dhalatay  ama ay salka  ku  hayso  laba  qodob  oo   kaliya:

  1. Dareenka   dhashay  hadalkii   Madax-weynaha   Jamhuuriyadda Somaliland.

 2.Hadal ay  maalmahaas   isla  dhexmarayeen   Dadweynaha   reer Somaliland gaara  haan   reer  Hargeisa  oo  ku  saabsanaa  Sarrifka  iyo in Sarrifleyaasha la xidhidoono.

Arintan qiimaha dolarka hoos loogu dhigay ma ahayn Mid Run ah,waxaana ay alaabtii weli lagu kala iibsanayaa Dolarka iyadoo ay Dadkii ka yaacayan  lacagtii  SLShillinka  oo  ku  baddalaya   lacag Dollar ah

Si kastaba ha ahaatee, arrintani  waxay  kordhin doontaa  qiimaha  Sarrifka  ee lacagta dollarka  iyadoo  sababtuna ay tahay  Dollarka  oo suuqa  ku yaraan doona maadaama oo nin waliba uu imika rabo inuu jabnida kafaa’iidaysto oo uu  gabbood (Hedge) ka dhigto  lacagta adag  ee  Doolarka (The hard Currency).

Hadaba Arintani waxaa ka hadlay Xildhibaan Siciid ayaa ka hadlay  Cida Shilinka Dalka Dibindaabyada la daba taagan taasi oo ku sheegay Talada Madaxtooyada Kor u qaadista Shilinka Somaliland iyo Ficilada Wasaaradda Maaliyaddu ku hantaaqinaysaa waa laba isburinaya waxaana uu yidhi isagoo ka hadlaya “ Iyadoo Sicir barar laga qaylinayo ayaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisey Cashuur bararin aan xad lahayn! Xaggee ayay iska qaban la’dahay. Shicibkii oo la ciirciiraya qiimihii hore ma macquulbaa in kor loogu sii qaado qiimaha badeecadaha iyo adeegga. Tu kaloo ka daran baa jirta!

Markale isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “ Ta ka sii darani waxay tahay, Wasaaradda Maaliyaddu sannadkan waxay bixinaysaa kharash dhan 1,218 Bilyan [ hadda maaha Milyano waa hal tirilyan iyo laba boqol ito sided iyo toban bilyan] oo Shilin Somaliland. Taas macneheedu waxa weeye, bil kasta waxaa celcelis ahaan la bixinayaa oo suuqa soo gelaya kharash dhan 100 Bilyan [ama 100 kun oo Milyan] oo Shilin. Haddii ay suuqa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo afuufayso mawjado Shilin Somaliland ah suuragal ma tahay in Sarrif Bararka dawo loo helo? Sidee ayay isula jaanqaadayaan dadaalka Madaxweynaha iyo doc-faruurka W. Maaliyaddu. Tu kaloo ka daran baa jirta”!

Ugu Danbayntii Xil Siciid Maxamed Cilmi waxaa uu sheegay “ Tan kalee ka sii darani waxay tahay, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu qorshaysatay [markaad Miisaaniyadda eegto] inay bil kasta kumanyaal malyuun oo shilin Somaliland ah suuqa soo geliso ayay ku sii darsatay inay xaraysato, oo Baankii Dhexe ee xaqa u lahaa ka maroojisato, lacagtii doolarka ahayd ee lagu bakhtiin lahaa dabkaas Sarrif-bararka ah ee ay siyaasad xumaanteedu sababtay”.

Hadaba wargayska Xogogaal ayaa wax ka waydiiyay agaasimaha Guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Eedahan uu xil siciid Maxamed Cilmi usoo jeediyay wasaaradiisa kuna aadan in wasaarada Maaliyadu Masuul ka tahay kor u kaca dolarka iyo hoos u dhaca ku yimi mar kale shilinka Somaliland xili ay xukuumada iyo Madaxweynaha qaranku isla qaateen in shilinka Somaliland kor loo qaado hoosna loo dhigo Qiimaha sarifka dolarka waxaana uu agaasimuhu kaga jawaabay arintaasi “Horta Xildhibaanku anaguu na eedaynayaaye isagu ma ka bad qabaa wuxuu nagu dhaleecaynayo,waxaan kuu sheegayaa Dhamaanba xubnaha ku jira xukuumada sida wasiiradaagaasimayaashaxildhibanada,askarta iyo shaqaalaha  dalku midna ma ogola shilinkii somalilandoo way ka cararayaan,Dolar ayay wada doonayaan,Hadii la yidhi dolarka hala yareeyo suuqa gelaya Ma in Nin kastaa jeclaado dolar fudud oo uu jeebka ku qaataa, Waar cid kale iska daaye Adigaagan weriyaha ah saadka ayaa kuu furan,oo in saad lacagta lagugu siiyo ayaad doonaysaa,aniga saad iima furna”. Ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa

COMMENTS
Arimaha Diinta