News

Xukuumada somaliland oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka soo yeedhay Dawlada Federalka Somaliya.

Byadmin

Jan 29, 2016

warancadde2

Hargeysa(Haldoornews):-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanu khuseynin go’aanka ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga Soomaaliya oo jidaynayay qaabka ay doorashadu uga dhacayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland iyo Puntland.

“Wax la yaab leh weeyi,waad la socotaaa 25 sanno ka hor Soomaaliya kala noqonay midnimadii hore ee aanu dawladaha isku darsanay,1960-kii dal Ingriisku gumeysto ayaanu ahayn,iyagana Talyaaniga ayaa gumeysan jiray”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo galabta  la hadlay idaacadda VOA.

Wasiirku  waxa uu ku dooday  inaanay Somaliya xaq ugu lahayn inay sheegato dhul Somaliland isla markaana tirade ku darsato. “Markaa annagu waanu kala noqonaya wada jirkayagii hore oo aan awalba sharci ahayn,runtii waana waxyaabaha aadka layaabka u ah ee beenta iyo nidaam la’aanta ku salaysan,dal kala noqday wada jirkoodii inay maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo,waana beenta ay dalkaasi nabadgelyadiisu dagi la’adahay ay ku maamulayaan.Markaa waxaanu u aragnaa hadal nin waalani iska yidhi”ayuu yidhi Wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha Somalialnd Md Cali Warancadde waxa uu sheegay inaanay matalin waxa uu ugu yeedhay calooshooda u shaqaystayaal shaqo tagay.

“Waxaanu hadda soo rognay in dalkii la odhan jiray Somaliland iyo Soomaaliya sharciyo iyo baasaabooro la isugu gudbo,taasi mecneheedu yahay inay laba dal oo kala gaar ah yihiin,markaa haddii dad calooshood u shaqaystayaal jiraan danohooda ha u shaqaysaa,cid Somaliland wakiil uga ah ma jirto”ayuu yidhi Wasiir Calii wadan cadde.

Gagabagadiina wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu Somaliya u soo jeediyay inay dalkooda nabad ka dhaliyaan,kuna talo galin inay tirada ku darsadaan dal ka wada jirkii kala noqday 25 sanno ka hor.

“Waxaan u soo jeedin lahaa inay gurigooda nabadeeyaan,dhibaatada dalkooda ka jirtana waxa ka mid ah beenta iyo dacaayadaha ay dadka ku duudsinayaan,haddii ay doonayaan inay cid siiyaan ha siiyaan dadkii xamar joogay ee xaqa u lahaa”ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *