Haldoornews.com
Xaflad Meher Ah Oo Aan In Dhaweyd Somaliland Lagu Arag Oo Maanta Ka Dhacday Hotel Ambassador Hargaysa,Geel Iyo Fardo La Bixiyey
January 29, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Haldoornews)Meher aan  in dhaweyd lagu arag Somaliland ayaa saaka ka dhacay Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargaysa, meherka oo inanta laga bixiyey 22 geel iyo fardo,Kulanka xaflada meherka ayaa aad looga soo qayb galay oo ay ka muuqdeen siyaasiyiin,odayaal dhaqameedyo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,Sida aan ku arkaysaan sawirada ayaa waxa ka muuqata qaabka Hidaha iyo Dhaqanka dadka Afsoomaaliga ku hadlaa ay dhaqan ahaan u leeyihiin oo ay soo labisteen,waxa inanka(Wiilka) meherkiisa uu soo xidhay maryaha dhaqanka oo aad looga soo dhaweeyey dalka. Meherka noocan oo kale ahi maka dhaco dalka waxaanad arkaysaa in dhaqamada dadka kale ama reer galbeedka aad loo isticmaalo. Waxaana muhiima in la xoojiyo dhaqanka noocan oo kale ah.

Waxa bahda Haldoornews meelkasta oo ay joogaan ay TAHNIYAD u dirayaan meherka Mahamed Aadan Siidhi Iyo Rooda Cabdi Muuse oo maanta (Shalay ) oo ahayd 28.01.16 ka dhacay Hotel Ambaassador .Allah waxaan uga baryaynaa labadii isku waara Ubaxkhayr qabana kala Hela.

Amiin  Amiin  Amiin

2345679
12131512646910_1172510872776702_7479187190498591848_o

COMMENTS
Arimaha Diinta