Haldoornews.com
Dawlada Sweden oo Mastaafurinaysa 8000 oo Qoxooti Magangalyo Doon ah oo Dacwadoodii la Diiday iyo Somali Walaac ka muujisay.
January 29, 2016 - Written by admin

weden(Haldoornews):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Sweden, Anders Ygeman ayaa shaaciyay qorshe dalkiisa looga saarayo ku dhawaad 80,000 oo ah Qoxoonti ku guuldareystay codsigooda magan-galyo doonka.

Dowladda Sweden ayaa aqbashay tiro baddan oo Qaxoonti ah marka loo barbar dhigo tirada dadka dalkaasi u dhashay ee ku nool. Sannadkii la soo dhaafay oo keliya ayaa waddankaas gaadhay in ka badan 160,000 oo Qaxoonti ah.

Waddanka Sweden ayaa hadda shaaca ka qaaday inaanay albaabadeeda u sii furnaan doonin qaxoontiga ku qulqulaya Qaaradda Yurub,kuwaasoo xadka ka baxay sida ay sheegeen ma’suuliyiinta waddamada Yurub.

Anders Ygeman ayaa sheegay in qaxoonti tiradoodu u dhexeyso 60 ilaa 80 kun oo ka mid ah kuwii dalkaasi gaadhay sanadkii la soo dhaafay balse ku guuldareystay codsiyadooda magan-gelyo doonka ah dalkaasi laga saari doono.

Wuxuu intaa ku darey in diyaaraddo khaas ah loo kireyn doono dadkaasi isla markaana uu hannaankaasi qaadan doono sanado.

Tirada Qaxoontiga Gaadhaya Sweden ayaa aad Hoos ugu dhacday kaddib markii uu dalkaasi adkeeyay ammaanka xuduudihiisa bilowgii sannadkan 2016-ka.

 Wasiirka-Arrimaha-Guaha-Jabuuti-Anders

COMMENTS
Arimaha Diinta