News

Puntland oo diiday go’aanka madasha wadatashiga qaran Somalia ee 2016

Byadmin

Jan 28, 2016

gaasMuqdisho(Haldoornews)-Shirkii madasha wadatashiga ee madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa xukuumadda Soomaaliya Muqdisho uga socday ee looga tashanayay doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan ayaa go’aammo laga soo saaray.

Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo shir gudoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay go’aanka iyadoo beesha caalamka iyo madaxda maamuladu kulanka fadhiyaan.

Doorashada ayaa la sheegay in baarlamaanka lagu soo xulayo hanaanka qabaa’ilka ee 4.5, aqalka sarena lagu saleynayo maamul goboleedyada, iyadoo Puntland iyo Somaliland sadex xubnood ay dheeranayaan maamulada kale. Go’aanka waxaa kaloo lagu sheegay in ugu yaraan ay dumarku labada aqal ku lahaanayaan 30%.

Haddaba maamulka Puntland ayaa durba ka biyo diiday go’aannadaas.

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *