News

Faah faahin: War murtiyeedka qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta 2016 iyo Somaliland oo liiska lagu Daray

Byadmin

Jan 28, 2016

shir muqdishohirDowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadleyso qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadkan 2016-ka, kadib laba cisho oo wada tashiyo Muqdisho ugu socdey hoggaamiyayaasha maamullada dalka, dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

War-murtiyeedka, oo dhowr bog ka koobnaa, ayaa waxay dowladdu sheegtay in aanay jiri doonin muddo kororsi, oo waqtigii loogu talagalayna ay doorashada ku dhici doonto.

Iyadoo aaney heshiis rasmi ah aysan ka soo bixin shirarkii hore ee ay madaxdu yeesheen, ayay dowladda Soomaaliya oo xil ka saaran sidii doorasho loo gaarsiin lahaa dalka sanadkan waxay soo saartay soo jeedimo dhowr ah oo ku aaddan hannaanka doorasho, sida war-murtiyeedka ku cad.

Dowladda waxay sheegtay in la dhiso aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu kala saleyn doono hab maamuleed iyo nidaamnka beelaha ee afar iyo bar.

Aqalka hoose oo ka koobnaan doona 275 xildhibaan ayaa lagu soo xuli doona sida uu hadda yahay ee beelaha afar iyo bar halka aqalka sare uu isna ka koobnaan doono 54 xubnood, oo min 8 xubin ay ku yeelan doono maamullada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halka Somaliland iyo Puntland-na ay ku yeelan doonaan aqalka sare min 11 xubnood, kuwaas oo wadarta guud ka dhigeysa 54 xubnood. Sababta ay labada maamul uga badnaan doonaan xubnaha aqalka sare, ayaa lagu sheegay sida ku cad war murtiyeedka in labadaasi maamul oo waqti badan jirey, iyo in ay yihiin kuwa gobollada ugu badan, sida warmurtiyeedka lagu yiri.

Haweenka, ayay labada aqal ugu yar in ta la siiyey xubnaha

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *