Haldoornews.com
Warbaahinta Caalamka oo Wax ka Qortay Sababaha Dhabta ee Xasiifkii Midawga yurub ee Hargeisa Loo Xidhay iyo Doorkii Dawlada Federaalka Somaliya ku lahayd.
August 29, 2015 - Written by admin

 

????????????????????????????????????

Brussels (Haldoornews)-ida ay Baahisey Jariidada afka dheer Indiean Ocean waxay si waafi uga hadashay Sababaha ugu wayn ee loo xidhay Xafiiska Midawga yurub ku lahaayeen magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana ay ku sifaysay Sababa dhawr ah.

Jariidada waxay sheegtay inay Wakilka u fadhiya Midawga yurub magaalada Hargeysa lagu wargaliyey inuu soo xido Xafiiska ku yaala magaalada Hargeysa Bisha diisambar Badhtankeeda, iyadoo Hawlihii uu xafiiskan qaban jiray loo wareejin doono magaalada Muqdishu , halkaas oo hawluhu ka sii soconayaan.

Safiirka fadhiya Midawga Yurub magaalada Muqdishu , Michele Cervone d’Urso iyo Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Heshiis ku kala saxeexay Bishii May iyadoo hashiiskan dhabaha u sii xaadhay sidii xafiiska Somaliland Muqdishu loogu soo Wareejinlahaa, waxaana sabab u ahaa ayay leedahay Jariidadu in Safiirka Midawga Yurub oo hore u diiday in xafiiska Hargeysa la xidho codsi badan oo uga yimid dawlada Somalia kadib markiii   dhawr jeer is toos ah iskugu dhaceen dawlada Somalilandiyo Wakiilka midawga yurub iyadoo ay ugu danbaysay kadib markii doorashada Somailand dib loo dhigay ,iyadoo waraaqo badan oo dacwad ahna ay ka gudbiyeen xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland.

Waxaana Midawga yurub u soo qoreen dhawr jeer Madaxwayne Siilaanyo iyagoo ku wargalinaya sida ay uga xun yihiin in Doorashada Wakhtigeedii lagu qaban iyo go,aanka guurtida ay xukuumada ugu kordhisay sida a uga soo horjeedaan.

Waxaanay ugu danbayn go,aan ku gaadheen inay xidhaan xafiiska Hargeysa iyadoo lagu soo wargaliyay wakiilka uga joogay Magaalada Hargeysa iyadoo hada xafiiska uu albaabka u xidhmayo bisha 12aad ee Sanadkan.

Hadaba arinta kale ee la sheegay inay xidhiidhka Somaliland iyo midawga Yurub aadka usii dhaaawacday ayaa ugu muhiimsan Berbera Corridor oo bilawga mashruuca ay midawga Yurub ku bixiyeen lacag badan iyagoo uga gol lahaa sidii mashruuca Berbera Corridor u hirgali lahaa , si dalka Itoobiya uga faaiidaysto Dekeda Berbera isla markaana ugu danbayn ay Shirkada Bolore ula wareegto Dekeda Berbera.

Hadaba sida Jariidada qortay Waxa si wayn ugasii cadhaysiiyey Midawga yurub kadib markii Safirka cusub ee Somaliland u fadhiya Imaaraatka Baashe Cawil Xaai Cumar oo uu sodog u yahay Madaxwayne   Siiilaanyo uu u balan qaaday shirkada UAE DP inay la wareegi doonto maamulida dekeda Berbera, Waana sababta ugu wayn ee xidhiidhka midawga Yurub usii xumaaday, waana arimaha kow ka ah in Mashruuca Berbera Corridor gabi ahaanba u istaago.

 

 

Siciid cali Daahir (Sacadguray)

Haldoornews.com

Brussels

contact@haldoornews.com

COMMENTS
Arimaha Diinta