Haldoornews.com
Muj: Cali Guray oo is barbar dhig ku Sameeyey Heshiiskii Total ee Xiligii AHN Madaxwayne Cigaal iyo Qorshahan Qarsoon ee Xukuumada Silaanyo.
August 27, 2015 - Written by admin

HAAMAHA BERBERA IYO DAMACA KELIGOOD HAAN LAYAASHA
Heshiiska TOTAL wax qarsoodi ah muu ahayn heshiis cad oo laba dhinac ah ayaa la wada galay oo cid kasta muxaafid iyo mucaarid oo danaynaysayba ay heli karaysay loona qaybiyay Golaha Wakiilada.Aniga laftayda ayaa helay copy ilaa haddana waan hayaa.
Sidii uu wakhtigaa u dhigay AHN Cigaal TOTAL waxay ahayd shirkad caalami ah oo dal ahaan ay jireen dano laga lahaa. Waxa ka mid ahaa in Beesha Caalamku ay ku qancaan nabadgelyada ka jirtay Somaliland taasina ay soo dhiirigeliso maalgashiga shisheeyaha( foreign investors)
Lakiin tan maantu waa qarsoodi hadii aan wax si ka ahayn sidan si ka fiican bay xukuumaddu wax inoogu cadayn lahayd hadii arinku yahay mid loogu danaynayo qaranka siyaasad cad oo inta badan lagu qanci karona way ka yeelan lahayd, in kasta oo dadka Somaliland ay yihiin dad dhoohan oon kala jeclayn wax u dan ah iyo wax aan dan u ahayn labadbana ogol waxna aan diidin. Oo weliba laga yaabo inay daalac u raacaan ciddii ka hadasha wax iyaga dantooda ah.
Arinta HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA in kasta oo wax waliba inaga qarsoon yahay ilaa hadda wax la wareejiyayna aanay jirin laakiin xalaal duhur baa la qashaa baa la yidhiye sidani wax inoo cuntami kara maaha hadii qasab lagu socod siiyo lafteedana inta xukuumaddan u hadhsan cimri ka badan yeelan mayso in kasta oon la hubin inta ka hadhsan xukuumadan cimrigeeda taasina ay dhibaatada ugu wayn ee MAANTA Somaliland ka jirtaa ay iyada tahay
Sheedan HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA ee Berbera markaan eegay sida loo qaybsaday waxay I xasuusisay Gabaygii QAYB LIBAAX ee Xuseen Dhiqle. Waxa xiiso leh sababu nusuulka gabayga.
Waxa la yidhi markii ay Daraawiishi jabtay ka dib dagaalkii Dayuuradaha farxadkii Sayidku wuxu ku simay halkiyo Iimay oo uu ku Geeroyooday AHN eh. Walaalkii Khaliif iyo tiro lagu qiyaaso ilaa 400 oo Mujaahid ayaa xagaa iyo Baali qabtay oo caruusi u galay. Markii Khaliifna dhintay ayay nimankii caruusado dumarkii biliqaysteen. Gabadh qurux lahayd uu Khaliif ka dumaalay Sayidka ayaa markiiba Nin ay Qayaashmaashka walaalo ahaayeen guursaday. Waxa ka darnayd gabadh ay Sayidka walaalo ahaayeen oo la yidhi Xuseen Dhiqle laftiisa ayaa jeclaa oo doonayay inu mindhaa guursado balse waxa tiina u soo geed fadhiistay Qayaashmaashka laftiisii oo la odhan jiray Maxmed Daadhi. Xuseen Qayaashmaashka wuu arkay in aanu u diidi karin dabeed gabay ayuu ku siiyay. Wuxu yidhi:
QAYAASHMAASH LIBAAX BAA DHURWAA QAYBI YIDHI SOOREH
WUXU YIDHI HILBAHA JEEX DHAN QALO QOON DHAN BAAN NAHAYE
MARKAASUU QALBABAALIHII QOONSADUU DILAYE
DHIRBAAXUU IL KAGA QAADAY OO HOOR KA SOO QUBAYR
AF QASHUUSHLE GOORTUU DHINTUU SII QATAABSADAYEH
DACAWUU MAR KALE SOO QABSADAY SIDI QISAASEEDEH
WUXU YIDHI QANJAAFULO XUNEEY TALI QADAAR KAAYE
WAXAY TIDHI ADEER QAAR IYO DALOOL QAAXO IYO FEEDHO
QUMUD IYO BARUUR IYO LEG IYO QAWDHIHII KURUSKA
KUU WADA QORSHEEYAYE ISLAW NEEFKA WADA QAADO
MARKAASAA WIXII QADAY QABSADAY KOOBAB QADAF LEEYEH
WAX LA YIDHI QABIIL MA LEH DAYOY QAYBIYAHA AAREH
INAGOO QURUUN DHAN AH MAXAA QADO INOO WAAYAY
WAXAY TIDHI QACDII HORE MARKAAN DEYAY JOBTII WEERKU SII QULUSHAY
BADH BAA KUU QISMO AH WAA WUXUU EEDAY QAAR YARE
DUQII NOO QAB WAYNAABA WAA QOOQ WAX LOO DILAYAY
ANIGOO QADAARKANA MIYAA QAMADH KA SOO WAAQSAN
QUDHAYDAAN U YAABAYE MIYAAN INA QASAAREEYAY
ANNA QAYB LIBAAX WEEYE TAA IGU QASBAYSAANE
LABADII QOF EE NAGAGA HADHAY QAAFADII DUMARKA
TII QURUXDA ROONAYD HADAY CALI LA QOOQAYSO
TANNA QAATA NAADOBA NIN BAY QAAC U SHIDAATAAYE
imika HAAMAHA Berberana iska qaata UUN ma nidhaa ilayn wax kasta oo la qaadanayay Reer Maxamed Daadhi iyaga ayuun baa qaadanayay eg

COMMENTS
Arimaha Diinta