Haldoornews.com
“Xisbiyada Mucaaridka Xeerkan Marka La Dhamays Tiro Ee Uu Gacanta Komishanka Soo Galo Ayuun Buu Khuseeyaa Toban Sanadoodna Ha Noqoto Eh”. Mujaahid Cali-guray
August 25, 2015 - Written by admin

Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali-guray) oo ka mid ah Madaxda sar sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa Xisbiyadda Mucaaradka uga digay inay faraha la galaan Xeerka Doorashadda Wakiiladda oo maalmihii ugu danbeeyay ka mid ahaa Xiisadda Siyaasaddeed ee Dalka ka taagan kan ugu hadal-haynta badan.waxa si toos ah u duray Golahha Wakiiladda iyo Guurtidda oo ku sheegay in meel kali ah wax looga wada yeedhiyo. “Xeerka Dorashada Wakiilada iyo xeer kale midna uma yaalo xisbiyada ee waa hawl u taal. Xukuumadda Wakiilada iyo Guurtida oo intaba hal meel laga wada daaro gacantana ugu wada jira Hogaanka Sare ee Doorasho diidka oo isku raacsan in aanay wax doorasho ihi dalka qabsoomin si ay iyagu ugu sii fadhiyaan kuraasida oo aan cid kale bedelin. Ha iska fadhiyaan inta ay doonayaan waayo dhinaca Beesha Caalamka kolay khasaarihii gaadhi lahaa Somaliland wuu dhacay.

 

Xisbiyada mucaaridka ah waxan uga digayaa inay faraha la galaa arin ,kolayba aanay iyagu go’aankiisa waxba ku lahayn ee cid gaar ihi meel sii dhigtay iyagana la doonayo in la yidhaa talo ayay ku lahaayeen. Waxan xusuusinayaa Guurtida oo iyaga oo go’aan kooda Saleeban Gaal bir ku sii gooyay hadana uu la tashi baan xisbiyada la yeelanay ay la haayeen. Hadii Xisbiyada mucaaridka ay cashar ka barteen shirqoolkii Saleebaan Gaal hormoodka ka ahaa waa in ay ka fogaadhaan xeerkan qaybta ka ah in loo adeegsado muddo kordhin kale marka ay tani dhamaato.

 

Xisbiyada mucaaridka ah xeerkan marka la dhamays tiro ee uu gacanta Komishanka soo galo ayuun buu khuseeyaa toban sanadoodna ha noqoto eh sidaa daraadeed ha iska ilaaliyaan inay qayb ka noqdaan ama dabinkan qoolan u galaa Dooeasho diidka oo ha wada daayaan iyagu keligood ha iska walaaqdaan inta ay doonaana ha haystaan eh hadii kale waxay qayb ka noqon doonaan dibu dhaca ku talogalka ah ee doorashooyinka iyo muddo kordhinta kale ee Saleebaan Gaal

 

Ku darsoo waxa la ina leeyahay xeerkii jiray waanu tuurayna ee xeer cusub oo hor leh baa la soo curinayaa saami qaybsi wax lagu saleeyay aan la garanayn baa la keenayaa iyoiyo iyo. Bal ogow xeerka ay sheegayaan laba sanadood ka hor ayay cid gaar ihi diyaarisay oo waa mid jira eh. Kuwa tobanka sanadood xildhibaanada ahaa een weigood soo hadal qaadin saami qaybsigu waxan u arkaa in aanay jirin cid ay wax u doonayaan oo dhaafsiisan nafahooda balse hadii ay cadaalad ogol yihiin waa inay ku talogalaan in cadaaladdu wax u kordhin karto hadii wax ka maqani jiraan waxna ka dhimi karto hadii iyagu dheeraad la socdo. Hadiise ay tahay aniga ayaa keligay gooynaya cadaaladda ma soconayso ee cid waliba ceesaan teeda ayay ceel geysan waxay u goysana iyada ayaa iska wada yeelan”.cali guray

COMMENTS
Arimaha Diinta