Haldoornews.com
Baashe Cawil oo bayaamiyey sababaha keenay in loo magacaabo safiirka Imaaraadka Carabta, bixiyeyna xogo la xidhiidha
August 25, 2015 - Written by admin

 

Hargeysa(Haldoornews)-Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyey waayahii nololeed, waxbarasho iyo caqabadaha ka soo waajahay inuu sodog u noqdo Madaxweynaha Somaliland, iyo shaqadiisa cusub ee wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta. Wareysi furfuran oo shabakada Somalilandsun markii ugu horeysay la yeelatay Mr. Baashe Cawil ooh ore takhasuskiisu ahaa cilmiga petro chemist dibna ka noqday siyaasiga ayaa sheegay inuu guursaday inanta Madaxweyne Siilanyo labaatan sannadood horteed, xilli aanu sodogii Axmed Siilanyo noqon madaxweynaha dalka, sidoo kale gaashaanka ku dhuftay in magacaabistiisu ku timi xidhiidhkiisa qoyska koowaad ee Somaliland.

Wareysigii lala yeeshay iyo jawaabahii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

S: Maxaad nooga sheegi kartaa waayahii nololeed, waxbarasho waayaaragnimo shaqo iyo guur aad soo martay?

J: Waxaan ku dhashay sannadkii 1972-kii magaalada Hargeysa, oo aabahay masuul sare ka ahaan jiray baankii dhexe, waxaan ahay aabe dhalay laba hablood iyo wiil, oo ka u weyn yahay 17 jir, ka u yarna 7 jir.

Waxaan waxbarashii ka bilaabay magaalada Muqdisho, oo qoyskayagu u wareegay, markii aabahay loo wareejiyey xaruntii baankii dhexe ee Soomaaliya, waxaanan dugsiga hoose dhexe ka bilaabay Sheekh Madar, ka hor intaanay u wareegin iskuulka Kaasa-bolbolaare oo labaduba ku yaalay degmada Hodan.

Toban maalmood ka dib, dhacdadii xasuuqa ee rajiimkii Siyaad Barre ugu geysteen shacab ka soo jeedaay goboladii Waqooyi xeebta Jaziira, iyo cadaadiskii uu ku hayey shacabka, ayaa qoyskayagu u dhoofay dalka Hindiya, oo u sii dhaafnay dalka Ingiriiska oo aan ku biiray Hackney College e eBarriga London, derajadii “A” ee maadooyinkii aan soo dhigtay ku helay awgeed. Ka dib markii aan cilmiga sayniska natiijo sare ku helay imtixaankii waxa lay ogolaaday inaan ku biro  University college, London oo aan ku bartay aqoonta Kemistariga, kuna qaatay shahaadada B.Sc. degree.

 

Markaan dhameeyey shahaadadii koowaad waxaan deeq waxbarasho ka helay jaamacada Manchester University oo aan ku qaatay shahaahdada, dhab ahead kuu sheego nolosha siyaasada xilligaa qorshaha iiguma jirin.

Markaan qaatay shahaadada masterka M.Sc. waxaan ka hawlgalay shaybaadh muddo sided bilood ay lahayd shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara sonkorta ee dalka Ingiriiska (Tate and Lyle), intaanan u socdaalin dalka Maraykanka, gobolka California, oo khabiir baadhe ah shirkad ku taal ugu shaqeyn muddo sideed sannadood ah, dabadeedna ka dibna ku laabtay dalka Ingiriiska.

 

S: Xillima ayaad ku biirtay siyaasada, maadama aad ka daldoorsatay xirfadaadii aqooneed iyo waayaaragnimo?

 

J: Intaan joogay California, sannadkii 2001, waxaan ka qeybqaatay olole lagu assaasayey xisbiga KULMIYE uu soddogay iyo Madaxweynaha Somaliland wakhtigan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ahaa aasaasahii iyo gudoomiyahiisa.

 

Sannadkii 2011, waxaan iska casilay shaqadii, isla markaana anniga iyo qoyskaygii u soo wareegnay dalka Kenya, oo caruurtaydii magaalada Nayroobi waxbarashadii ka bilaabeen, inkastoo aan xiisaynayey abuuritaanka ganacsi caalami ah, xilligaana aan tahli karayey ayaan haddana doortay fursad aan kaalin firfircoon kaga qaato taageerada xisbiga KULMIYE, oo wakhtigaa haystay saaxada mucaaradnimo ee siyaasada dalka.
S: Mr. Safiir, hadaan ku weydiiyo, ma filaysaa inaad u qalantid xilka cusub ee laguu magacaabay inaan Somaliland diblomaasiyan ugu meteshid dalka Imaaraadka Carabta?

 

J: Dhab ahaan maxaad ula jeedaa “u qalantid”?

 

S: Marka loo eego aqoontaada, waayaaragnimada, xirfadaada, iyo la falgalkaaga siyaasada? Isla markaana kalsooni ku qabtaa inaad ka dabaalan kartid?

 

J: Xaqiiqatan Haa. Hadii aanan aaminsanayn inaan u qalmo, kuma dhiiradeen aqbalaadeeda. Marka loo eego khibradaydii shaqo ee hore waxaan fursad u helay inaan soo maamulo xafiisyo qaabilsanaa iskuxidhka hay’addo kala duwan oo caalami ah oo gaar iyo dawliba isugu jiray, isla markaana aan ka korodhsaday khibrad diblomasiyadeed.

 

Shaqooyinkaasi waxay I bareen sida laysugu dabakho danaha dhaqaale iyo ganacsi, oo halbeeg u ah nidaamka dhaqaale ee caalamka, oo diblomaasiyadu fure u tahay lamaanaynta danaha dhaqaale iyo ganacsi, taa iyo waayaraganimadaydii, waxaan ku qanacsanahay, si weyna ugu kalsoonahay, inaan koobsaday aqoontii iyo waayaaragnimadii lagu maarayn lahaa waajibaadka xilkayga, oo ku beegmay dal danno qoto-dheer ay wadaagaan Somaliland.

 

Waxa muuqata, inkastoo aqoonsi la’aantu keliya aanay u ahayn culays magacaabista xilkaygan, balse ila wadaagaan dhamaan wakiiladeena daafaha dunnida, kuna xisaabtamaya taa iyo kuwo kaloo iman kara, hadafkaygu wuu cadd-yahay inaan diyaariyo saaxad aan dannaha Somaliland kaga dhaadhiciyo kuna sii baaqbaaqo abqaalkii hore u sii jiray, si loo balaadhiyo xidhiidhka sokeeye ee dalka lay magacaabay iyo Somaliland u dhexeeya.

 

Markaa waan u qalmaa, gudankaraa, isla markaana ku haboonahay, ka shaqsi muwaadin ahaan iyo aqoonyahan in lay magacaabo xilkaa, iyadoon loo cuskanayn xaaladaha kale qaabayn kara sida xidhiidhka gacaltooyo een wadaagno qoyska koowaad.

 

S: Caqabad intee le’eg ayey ku leedahay Somaliland, haduu Madaxweynahu soddogaa noqdo?

 

J: Su’aal aad u xiiso leh, dhab ahaan, waxa ku gedaaman tijaabooyin badan, sida, iyagoo baddi dadku aanay shaqsiyan aqoon ii lahayn inaan ahay masuul xukuumadeed ama wax kale, ayey ii bartilmaameedsanayeen keliya maadama uu xidhiidh gacaltooyo la wadaago qoyska koowaad.

 

Inkastoo aan calaf isku yeelanay inanta Axmed Siilanyo muddo labaatan sannadood horteedeed, ku abuurmay kalgacal, wakhti aanu aabaheed noqon madaxweynaha Somaliland, waa nasiibdaro, in dadka qaarkood u kohdaan dadka kale, sida xaaladayda waxuu qabaa inantiisa.

 

Inkastoo aan qirayo soo jiidasho iyo dareen aan loo baahnayn ee xaaladaydu aan kohdo, waan fahamsanahay in xilliyada qaar inaanu la noolaano qabatinkeeda, ugana sii dhaqaaqno gaadhitaanka hadaf muhiim u yeesha nolosheena….

 

S: Maadama u dhowaanshahaaga aad wax badan xog-ogaal u tahay waayaha qoyska koowaad, sidaad u aragtaa dhaliilaha soo noqnoqda eek u saabsan hogaaminta dalka Madaxweyne Siilanyo gacmo kale la wadaagaan?

 

J: Taasi gebi ahaanba waa nacasnimada siyaasiyiinta socodbaradka ah. Hadii, Md Siilanyo, Madaxweyne ahayn, markaa waa kee madaxweynaha kale? Shaqsiyan, waan la yaabaa sii wadwadka fikirkaa, markaad eegtid waxqabadka laga gaadhay dhinac walba, siyaasada dhaqan-dhaqaale, dublamaasiyadeed ee xukuumadani muddadii ay xilka haysay ku gaadhay hogaaminta Madaxweyne Axmed Siilanyo.

 

Inkastoo aynaan hayn miqyaas loo adeegsado qiyaas ahaan oofinta ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE, intii xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilanyo uu gaadhay, waxaan rumaysnahay in boqolkiiba 85% ay buuxisay ballanqaadyadeedii.

 

Diiniyan, iydoo aanay haboonayn inaad faaqido caafimaadka iyo khusuusiyaadka shaqsi kale, iskaba haa mid hogaamiye iyo madaxweyne dal’e, laakiin hadaad ku soo dartay su’aashaada, waxaan guud ahaan xaqiijinayaa, gabasho la’aan in madaxweynahu aanu ahayn nin u dhutinaya da’diisa awgeed, balse xaalado adag kaga soo gudbay qarniyo tegay.

 

Hadaad, fiyoobida jidh ahaantiisa halkaa ku xaqiiqsatay, waad aragtay guulaha uu ka gaadhay dhinacyada waxbarashada ee korodhka ardayda iyo macalimiinta, hadii qofku aragtidiisu soo jeedo kama qarsoona wadooyinka cusub ee ku soo kordhaya kaabayshaasha qarankan sida ta xukuumada, iyo shacab ninkatoo erey iyo aduun ka geystay abaal aduun iyo ajar aakhiro ka helayo ee hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo hirgelintiisa lahayn.

 

Qofkee caddeyn kara inaanay xukuumada guulahaa dhinac walba gaadhitaankooda horseeday  hogaamiyaheedii aanu maamulayn, taa bedelkeeda, dhamaan waxaasi waxa lagu gaadhay awooda hogaamineed ee hore shacabka Somaliland u soo tijaabiyeen, uguna doorteen Madaxwenenimada, iyo dhamaan inta gacan-yaraha u ah ee uga wakiil ah waajibaadka uu u xilsaaray, oo damiinku u haysto kuwo buuxiyey kaalin uu baneeyey.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta