Haldoornews.com
Daawo Sawirrada Jidadka Xaafadaha Gabilay oo Biyo Xidheeno noqday iyo Qashinkii oo laga Cabsi Qabo inuu Xanuun ka Dilaaco halka uu Maayarkii Magaalada ku Mashquulsanyahay Shirar Doceedyo.
August 24, 2015 - Written by admin

Gabiley (Haldoornews)-Xaafado ka mid ah Magaalada Gabiley ayaa kala Xidhmay ka dib markii Raxmaadka eebe dhawaan ka Da,een Deegaankaasi halkaasi oo Dawladii hoose ee Buuxin jirtay Goobaha Biyuhu Fadhiisteen ka Gaabisay Wax ka qabashadooda Tan iyo intii uu Xilka ka Tagay Maayarkii Hore ee Gabiley .
Qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Xaafadaha Sarre ee Magaalada Gaar ahaan Jidka Laamiga udhaw ayaa Cabasho xoogan ka muujiyay Biyo Fadhiistay Jidkaasi oo muddo todobaad ah dhibaato ka haysato iyaga oo Ciyaalka uga baqaya inay kaga dhacaan biyaha, kuwaasi oo ka cabsi qaba in Xanuuno ka dilaacaan Biyahan urta Sameeyay ee Jidkii Xidhay.
Qaar ka mid ah Haweenka Xaafada oo Gabileynews uwaramay ayaa Sheegay in Cabashadooda ay ugudbiyeen Maayarka degmada iyo Xoghayaha Dawlada hoose Balse aan illaa hadda waxba laga qaban, waxaanay intaasi ku dareen in Wakhtiyadii hore marka ay cabashadooda soo gudbiyaan loosoo diri jiray Baabuurta dawlada hoose iyo Cagafyo ilaa wakhtigii uu Xasan xaaji maayarka degmada ka ahaa.
Maayarka Degmada Gabiley oo laga Sugayay inuu wax ka Qabto Bilicda magaalada isla markaana Adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada sidii caadiga ahayd halkoodii uga sii anba qaado ayaa muddooyinka danbe ku mashquulay Macno usamaynta Waxqabad la,aantiisa kaasi oo kharash badan ku bixiyay in la Saaro eedda Hawlgudasho la,aantiisa Maayarkii hore oo uu sheegay inuu dayn ku wareejiyay wakhti haatan laga joogo lix bilood ka hor isaga oo aan wax arintaasi ku saabsan laga maqal maalintii uu xilka la wareegay.
Dawlada Hoose ee Gabiley ayaa noqotay mid Nasiib Xun oo kii kusoo hagaagaaba ka Danaysto isla markaana aan bulshada sifiican loogu adeegan iyada oo wali gabiley laadahay Maayarkii Danta Guud ka horaysiin lahaa tiisa gaarka, balse maayar Maxamed amiin oo ah nin dhalinyaro ah ayaa haddii uu Go,aan fiican ka qaadan waayo arimaha noocan ah ku Fashilmi doona Hogaaminta Golaha Deegaanka.

64
32

1

 

 

Source: Gabileynews.net

COMMENTS
Arimaha Diinta