Haldoornews.com
Waa Maxay U-jeedada Ka Danbaysa In Dawlada Jabuuti Mudo 25-sanadood Dibadeed Ay Somaliland U Soo Magacowdo Wakiilkeeda ?
August 23, 2015 - Written by admin

Tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-banaanida Somaliland 1991-kii waxay bilowday inay raadiso tageero dhaqaale iyo mid Siyaasadeed oo ay ka hesho waddamada gobolka iyo kuwa Caalamka-ba. Waxaanay Samaysay safaro ay ku kala bixinayso waddamada jaarka oo ay ka mid yihiin Djabuuti,Ethiopia, Kenya iyo waddamada reer Galbeedka oo Ingiriisku ugu horeeyo.

Waxaanay jawaabo kala duwan oo u baddan talo iyo tusaaleba kala kulmeen inta baddan waddamadaas gaar ahaan waddamada Ethiopia, Kenya iyo qaarka mida waddamada qarbiga

Mudadaas ay dawlada Somaliland raadinaysay taageerada diblomaasiyeed waddanka Djabuuti waxa uu dedaal ugu jiray dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo mar labaad cageheeda ku istaagta waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in riyadeedaasi rumowdo.Waxaanay ilaa xiligaa ilaa dawladii tan imika kahoreysay ee Sheikh Shariif lagu doortay Jabuuti iyadoo ay ka horeeyeen shirar kala duwana oo nabadeynta Soomaaliya ah oo ka dhacay gudaha Jabuuti

Dawlada jabuuti waxa ugu qaalisan ee waddan waddan kale u huraa waa dhiiga dadkiisa waxaanay jabuuti ka mid noqotay waddamada geeyay ciidamadooda ee hoos yimaada  AMISSOM-ta  waxaanan odhankaraa waa talaabo fiican marka laga yimaado taageerada dhaqaale iyo mid Military ee ay weliba la garab taagantahay dawlada taagta yar ee Muqdisho.

Dadka reer Somaliland waxa la odhankaraan way ku faraxsanyahiin taageerada jabuuti ee walalahooga Soomaaliya, balse dhanka kale Heshiisyo kala duwan ayay Somaliland iyo jabuuti galeen,kuwaas oo ku saabsanaa xoojinta xidhiidhka labada dal iyo inay labada dhan-ba ka furtaan xasfiisyo iyo in la sameeyo gudiyo joogta ah oo ka shaqeeya arimaha nabadgelyada la dagaalanka budhcad badeedka, la dagaalanka argagixisada ,Ganacsiga iyo isku socodka labada dhan oo la-fududeeyo

Dhamaan hesshiisyadaas oo marar baddan iyo dawladaha kala danbeeyay ee Somaliland la galeen waddanka jabuuti waxa uu uu noqday Biyo col-dhaanshay wax ka fuley ma jiro gaar ahaan xaga jabuuti-na, inkasta oo ay Somaliland markiiba u magacawday Walkiilkeeda u fadhiyi doono jabuuti xiligaas,balse waddanka jabuuti wuu ka caga jiidayay inuu isaganu bedelkiisii soo magacaabo.

Sikastaba ha ahaatee su’aasha is-wadiinta leh ayaa ah maxay darantay 25-sanadood kabacdi in jabuuti Somaliland u soo magacowdo Wakiilkii u fadhiyi lahaa? Bal haddii aan isku dayo waxay aniga ila tahay laba waddan oo jaar ahi-ba waxa ka dhaxeeya tartan dhinacyo baddan leh haday Siyaasasad tahay, Dhaqaale, Horumar iyo fahamka diblomaasiyadeed markaa taas laga yimaado Jabuuti waxay arkaysaa intaas ay Somaliland tartanka kula jirto in aanay ka hormarin,taas ayaana keeneysa dagaalka dhinacyada baddan leh ee ay ku hayso

Tusaale Somaliland waxay wada-hadal  kala duwan la gashay waddamada qaar sida Imaaraat-ka oo ay dhawaan kawada hadleen heshiis xaga Dekeda Berbera ah oo ay Emirate-ku doonayaan in berbera u dhisaan sidii ay jabuuti u dhiseen

Waxa kale oo ay Somaliland iyo Ethiopia wada galeen heshiisyo dhowr ah oo ay dawlada itoobiya doonayso inay isticmaasho Dekeda Somaliland ee Berbera. Hadaba labadan arrimood waxay ka mid yihiin meelaha ay dawlada jabuuti u arkayso inay khatar ku keenayaan dhaqaalaheeda iyo Siyaasadeeda-ba haddii ay Somaliland ka hirgalaan si hadaba ay u muujiso in Somaliland ay cid walba iyaga iskaga dhow-yihiin oo ay walaac u geliso waddamada ay Somaliland wada-hadalada iyo heshiisyada-ba kula jirto ayey jabuuti xiligan u soo magacowday wakiilkoodan Somaliland u fadhiyi doona.

Talaabada kale ee wax la la yaabo ah waa markii u horeysay ee Maareeyaha Dekedaha Jabuuti uu sheego inay caawinayaan Dekedaha Somaliland gaar ahaan Saylac oo uu keenay qalab lagu dayactirayo Dekeda iyo Dekeda Berbera oo ay dhawaan iyanakeeni doonaan qalab ay ku caawinayaan waa arrin fiican oo waan soo dhaweynaynaa maadama oo ay dawlada jabuuti qalabka ay dawlada Soomaaliya Dekedeeda Muqdisho ay ku shaqeyso oo dhan ay iyagu geeyeen iyagoo la kaashanaya waddanka Turkiga Somaliland inay Dekedaheeda ka caawiyaan waa mid fiican, lakiin su’aasha meesha taala ayaa ah ma ka tanaasuli karaan damacooga Siyaasadeed ee ku saleysan u-jeedooyinka aynu kor ku soo sheegnay

La soco dagaalada ganacsi iyo siyaasadeed ee ay Somaliland ku hayso …………

Somaliland iyo Jabuuti

Axmed Maxamed Siciid

Hargeysa/Somalilandgggg

COMMENTS
Arimaha Diinta