Haldoornews.com
Seddex nin oo Somalida Maraykanka ah oo lagu soo eedeeyay inay Xidhidh la leeyihin Ururka Daacish kana mid noqonayaan.
August 23, 2015 - Written by admin

somSaddex ka mid 7 dhallinyarro Somali Maraykan ku xiran Xabsiyada daalkaasi ayaa la sheegay inay Kooxda Daacish dagaalyahanno uga qorayeen Gobalka Minnesota.

Dukumenti cusub oo shalay Baarayaasha u gudbiyeen Maxkamadda ayaa lagu sheegay inay 3da Eedeysane ku hawlanaayeen inay Soomaalida deggan Minnesota ku baraarujiyaan inay ku biiraan Kooxda Daacish, isla markaana ay Qalabka internetka u adeegsadeen inay ku baahiyaan Borobogaandada Daacish iyo inay kula xiriiraan Dagaalyahanno shisheey oo ku kala sugan dalalka Somalia iyo Syria.

Dukumentiga waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka ay Eedeysanayaasha ugu hawlanaayeen inay dad u qoraan Kooxda Daacish.

Eedeysanayaasha lagu soo oogay dacwadahaasi ayaa kala ahaa Zakariya Abdurahman, Hanad Musse iyo Xamza Ahmed, waxaana Maxkamadda loo soo gudbiyey codad laga duubay xilli ay gaari ku safrayeen.

Nin la shaqeynayey Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka (FBI)-da ayaa la shegay inuu soo gudbiyey Warbixinadda lagu qabtay iyo codod laga duubay Eedeysanayaasha oo qorsheynaysay inay u socdaalaan dalka Syria.

Baarayaasha Federalka Maraykanka waxay ku gacan-sayreen qoraal ay soo gudbiyeen Garyaqaaanadda Eedeysanayaaashaasi.

Dhinaca kale, Saddexda Eedeysane ee lagu kala magacaabo Zakariya Abdurahman, Hanad Musse iyo Xamza Ahmed ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee September 2-da la hor keeno Maxkamadda Heer Degmo ee Gobalka Minnesota.

Zakariya-Abdurahman-Hanad-Musse-iyo-Xamza-Ahmed

COMMENTS
Arimaha Diinta