Haldoornews.com
Meesha Kacbada Loo Ekaysiiyay Magaalada Muqdisho! Maxay diintu ka qabtaa?(Sawiro)
August 23, 2015 - Written by admin

Muqdisho (Haldoornews)- Sheekh Maxamed idiris ayaa Bogiisa uu ku leeyahay Facebook kaga hadlay waxa ay diintu ka qabto meelaha loo ekaysiinayo kacbada, waxaana kamida qoraalkii uu sheekhu kusoo qoray facebook.

Meesha Kacbada Loo Ekaysiiyey!
========================

S’uaalo badan iyo sawiro ayaa farriimaha gaarka ah lasoo dhigay walaaluhu ku sheegayaan: (iney soo badatay maalmahan meelo kacbada loo ekaysiiyey, safa iyo marwa, ee dadka lagu barayo sida ay xajka u gudan lahaayeen. Mexey diintu ka qabtaa??)waa sida sawiradan hoos ka muuqda oo kale….

 

 
==================
Jawaabtu waxa weeye: Arrinkan oo beryahan meelaSomaliya ka mid ah laga sameeyey, waxaa jira dalal horay looga sameeyey, culimada islaamka iyo meelaha fatwada laga qaatana la weydiiyey..

Culimadu Wexey fataawidooda ku caddeeyeen arrinkaasu inaanu bannaanayn, wexeyna u cuskadeen qaacida sharciya oo ah: In La xiro iridka dhibaato diineed sabab u noqon kara.. Iyo inuu haybadda Kacbadda iyo Beytka ilaahay hoos u dhigi karo, iyo inuu sabab ugu noqon karo dadka maanka yar iney ku fitnoobaan.

Waxaa fatwooyin cad ku diidey arrinkaas (Golaha Culimada Islaamka) ee Raabidada Dunida Muslimka ee Makka, waxaa kaloo Fatwa kasoo saarey (Golaha Culimada Waaweyn) ee Sucuudiga oo iyaguna ku tilmaamay arrin aan bannaanayn.

Wexey kaloo Culimadu tilmaameen in dadka hadii wax la barayo ay ku filantahay sharaxaadda, sawirada, filimada, iyo wasiilooyinka wax baridda lagu faah faahiyo.

COMMENTS
Arimaha Diinta