Haldoornews.com
Madaxweyne Siilaanyo oo Isku Shaandhayn Balaadhan ku Samayn doono Xukuumadiisa, Seeftana La Dhex-Qaadi Doona,Taliyaha Booliska, Wasiiro, Agaasimayaal Tiro badan.
August 23, 2015 - Written by admin

wasiirMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu Xukuumadiisa ku sameey isku shaandheyn balaadhan, taasoo saameyn doonto dhamaan Hay’daha Dawladda iyo xubnaha Wasiiradda ugu tunka weyn Xukuumadda, Agaasimayaal iyo Masuuliyiinta Laamaha Dawladda. waxana warar si weyn ula socdaa dhaq-dhaaqaqa isku shaandheyntu sheegayaan in Madaxtooyaddu ku mashquulsan tahay sidii ay u sameeyn lahayd Isku bedelkii uu weynaa ee abid uu ku sameeyo Madaxweyne Siilaanyo Xukuumada uu hoggaamiyo. Isla markana ay Seeftu la tegi doonto Wasiiro muddo badan soo fadhiyey Kuraasta. Waxa kale, oo ilo-wareedyo si weyn ula socda Xaaladda Madaxtooyada sheegeyaan in doorkan ay ka mid noqon doonaan afar Wasiir oo ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha kuwaaso laga xusay Wasiirka Madaxtooyadda iyo Dib-u-dejinta.

 

Sidoo kale, shaqsiyaadka doorka saaran Kawaanka Gawraca Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilahi Fadal Iimaan oo dhowanahan Bulshadu si weyn ugu eedeeyan khaladadka ay geystaan Ciidamada Booliska iyo sidoo kale, dilalka shacabka oo marba marka ka danbeysaa sii badanaaya, waxa kale, oo lagu xusay xoggaha xogreebnew.com heshay inuu ka mid yahay dadka Seeftu qaadi doonto Wasiirka Wasaaradda warfaafinta oo muddooyinkii uu danbeeyey Lagu eedeeyey Musuq-maasuq baahsan oo ragaadiyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, waxa kale, oo isku shaandheyntani meesha ka saari doontaa Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cadde oo isaguu ah Masuul ku fashilmay hawlihii amniga.

 

Waxa kale, oo wararka Warbaahinta Haldoornews.com heleyso sheegayaan inuu Wasiiradda la sadqeyn doono ee sida weyn loo saadaalinaayo ay kala Yihiin, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka Boosaha iyo is-gaadhsiinta, Arrimaha Bulshada, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, iyo Wasiirka qorsheynta Qaranka.

 

Waxa kaloo, xoggaha shabakadda warar ee Haldoornews.com heleyso lagu sheegay inay saaftu qaadi doonto Agaasimayaal badan kuwaasoo wararku xuseen inay ku joogan Sadbursiimo iyo kala oo kasoo bixi waayey hawlaha shaqo ee wasaaraddaha ay maamulaan, waxana ka mid ah kuwa sida weyn loogu dhegtaagayo, Agaasimaha Waxbarashadda, Agaasimaha Warfaafinta, Agaasimaha, Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Wasaaradda arrimaha dibedda.

 

Sidoo kale, waxa xoggaha Degelka warar ee Haldoornews.co helay lagu sheegay in Masuuliyiin badan uu Madaxweyne siilaanyo kusoo kordhin doono Xukuumadiisa waxa la sheegay inuu ka mid yahay saqsiyaadka sida weyn loo hadal hayo, Xasan Gaafaadhi oo hore uu ahaa Gudoomiyihii Urur-siaasadeedkii Rays iyo Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha xilligii UDUB md. Cabdilahi Ciro, sidoo kale, Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Md. Cabdilahi Geel jire. Waxa kaloo suuro gal ah inuu soo noqdo wasiirkii hore ee ganacsiga Md Cabdilahi Maxamed Cumar iyo weliba xoghayihii hore ee qorsheynta Xisbiga Wadani oo iska Casiley Xilkaas.

 

Dhanka kale, waxa wararka lagu sheegay in ay suuro gal tahay inuu Madaxweyne Siilaanyo Wasiirku xigeeno u sameeyo dhamaan Hay’adaha Dawladda ee bilaa Wasiirku-xigeenada ah. Tallaabadan ayaa ka danbeyn doonto xalkii laga gaadhay muraankii siyaasadeed ee mudada badan dalka ka taagna kaasoo dhowaan ay soo afjartay Maxkamadda sare ee Somaliland.

 

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
Arimaha Diinta