Haldoornews.com
Daawo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Socdaal Kooban Ku Tagay Adiis-abab kana Hadlay Hankiisa Mustaqbalka iyo Saluuga Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Gobalada Galbeed.
August 22, 2015 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews.com):- Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo Jimcihii shalay isga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, una socdaalkay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddaka Itoobiya, waxa uu ka warbixiyey ujeeddada Safarkiisa intii aanu dhoofin ka hor, waxaanu ka jawaabay su’aalo kala duwan oo Suxufiyiinta qaarkood ka weydiiyeen xaaladda siyaasadda ee wakhtigan dalku ku sugan yahay, gaar ahaan hankiisa iyo loollanka Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay hankiisa hoggaaminta mustaqbalka ee Xisbiga KULMIYE iyo doonistiisa Kursiga Madaxtooyada ee uu ku fadhiyo iyo ka Madaxweynuhu ku fadhiyo ka uu isu soo taagi doono, iyadoo dhawaanahan si aad ah loo hadal hayey loollan siyaasadeed oo Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka dhextaagan oo la xidhiidha hoggaanka mustaqbalka ee Xisbigaas iyo cidda Madaxtooyada isu sharrixi doonta.

sidoo kale wuxuu ka hadlay  Su’aal laga weydiiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland khilaaf ka taagan arrinta saami-qaybsiga tirada Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo Xeer kala xadaynaya gobolkasta Mudanayaasha laga soo dooranayo tiradoodu hor-yaallo oo ay ka biyo-diideen Xildhibaannada gobollada Awdal iyo Selel Golahaas kaga jira iyo sida uu u arko, waxa uu sheegay inay taasi tahay arrin Qaran, una baahan wada-tashi Qaran, isla markaana ay gacanta ku hayaan Golayaasha Qaranka ee Sharci-dejintu, rejaynayana in sida ugu habboon loo hirgelin doono.

COMMENTS
Arimaha Diinta