Haldoornews.com
Awooda iyo Miisaanka labada Ilama Biixi ee Xisbiga Kulmiye, Keebaa Gudcur Gudaya, se keebaa Awood badan.
August 21, 2015 - Written by admin

Wasiir Maxamed Biixi Cidla ayuu Gudayaa 2 0 1 5Salaan Guud Dhamaan :- In mudo ahba waan ka gaabsaday in aan wax ka qoro arimaha gudaha S/and. Maantana waxaa igu kalifay markii aan Saxaafada Somaliland ka akhriyay in bisha September uu Xisbiga Kulmiye uu qabsanayo shirwaynihiisii Golaha dhexe Kulmiye.

Dadbadan oo xogagaali waxay ii sheegeen, in Madaxwayne Md, Axmed Maxamed Siilanyo aanu musharax Madaxwayne doorkani ahayn.

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE , ayaa la filayaa (Hadaanu dib u dhicin)  inuu qabsoomo bisha September ee sannadkan 2015., shirkani golaha dhexe ee xisbigan oo ah mid xaasaasi ah, waxa si rasmi ah loogu dooran doonaa murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka u meteli doona xisbiga doorashada soo socota ee Madaxtooyada,  Inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay inuu yahay murashaxa xisbiga, haddana warar soo baxaya ayaa tilmaamaya inaanu Madaxweynuhu doorasho dambe u tartami doonin oo uu ka tanaasuli doono murashaxnimadii Madaxweynenimo.

Sidaas daraadeed waxa la filayaa inuu loolan dhex-maro Siyaasiga Iyo Mujaahidka Xisbiga KULMIYE, waa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo labaduba hore u sheegay inay murashixiinta xisbiga noqon doonaan Madaxweyne Siilaanyo ka dib, ayaa la saadaalinayaa inuu loolan dhex mari doono.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beryahan danbe waxa uu adeegsanayey , Wasiiro iyo inamo yaryar oo dhaqaalihii umadda la siiyey , sidii uu Muj, Muuse Biixi ugu qabsan lahaa musharaxa kursiga dalka ugu sareeya,  Xaqiiqaduna waxay tahay in ninkastaaba ha iska hadleee ,Wasiir Maxamed Biixi loo arko Nin Cidla Keligii Ka Gaardiyaaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu,  waxaa uu xil ka qabtay xukuumada oo la yidhi si toos ah ayaad xisbiga uga mid noqonaysaa, isla-markaana golayaashiisa ayaad ka mid tahay , shakhsiyaadka caynkaas ah marki xilalka loo dhiibayey lama su,aalin  inay xisbiga kulmiye mabdi,an aaminsanyihiin . waayo way kala gedisanyihiin  xil aad dalkaaga u qabato Xukuumada  iyo xisbiga aad taageerayso mabda’a ahaan , waxaan qabnaa inay tahay, arintaasi mid lagu degdegay waana in dib loogu noqdaa shaqsi aan la ogayn inuu xisbiga aaminsanyahay iyo inkale in uu iska yidhaahdo waan u sharaxanahay.

Wasiirka Arimaha Debadda ayaa si cad uga leexday shaqadiisii Wasiir-nimo,waxaana uu kaga mashquulay olole Siyaasadeed oo uu ku badhi-taageerayo Wasaiirka Madaxtooyadda Iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo ahaa shaqsigii ku dhaliyay inuu ku soo biiro Dagaalka ka dhanka ah . Mujaahidka iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay si weyn ugu loola-mayeen Musharax-nimadda Xisbiga KULMIYE, marka ay cadaato in uu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay inuu mar labaad is-sharaxo.

Wasiirka ayaa intii uu hayay Xilka Wasiir-nimo ee Arrimaha dibadda , waxa si weyn hoos ugu dhacay Xidhiidhkii Somaliland iyo Beesha Caalamka, gaar ahaana Wadamadda jaar ah oo uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay Somaliland, isla markaas lagu tegi-jiray Baasaaboorka Somaliland,waxaana dhawr jeer oo is-xig-xiga xidhmay Soohdimaha ay Somaliland, la wadaagto Dalalka Ethopia iyo D-jabuuti, waxaana si qabaw,isla mar-ahaantaana  aan af-dublumaasiyadeed ku qotomin  uga hadlay dhowr jeer Wasiirku,waxaana uu shacabka ka Jaahil-saari waayay , Sababta keentay inuu Xumaado Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ay Somaliland la-lahayd Wadamadda Jaarka, waji-gabaxii ugu danbeeyay ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda ka soo waajaha siiba Wasiir Maxamed Biixi Yoonis,ayaa ahaa kii ay Midawga YURUB ku shaaciyeen inay ku xidheen Xafiiskoodii Magaaladda Hargaysa, kaas oo shaqaynayay tan iyo markii ay taabo-qaaday Qarani-madda Somaliland.

Wasiirka ayaa markii la magacaabay waxay Shacabka reer Somaliland. si weyn ugu han-weynaayeen inuu ka midho-dhalin doono hanka iyo Himiladda shacabka reer Somaliland , ee ah helidda Ictiraaf Caalami ah iyo ka mid-noqoshadda Beesha Caalamka ee la aqoonsan yahay.Balse rajaddaas umadda ayaa noqotay hal-bacaad lagu lisay,ka dib markii Wasiirkii arrintaas loo xil-saaray uu kaga mashquulay waxyaabo hoose oo ugu Liidatay , sida Qabyaaladayntii Biyaha Hargaysa oo ahaa arrintii ugu fajaca badnayd ee ay shacabku liqi kari waayeen taasi uu ku qaatay Wasiir Xunbo-weyne .

Tani waxaa markhaati ka tahay in aanu Wasiir Maxamed Biixi ahayn shakhsi hanan kara inuu noqdo Musharaxa Xisbiga. Wasiir Maxamed Biixi Yoonois  iyo kuwa la midka ah waa tii lagu Heesay: “NINKII U HAN WAYN HOGAANKA DALKOO HANKAAGU HA DHAAFO REER HEBEL”. Maxamed Biixi ma ah nin hankiisu ka wayn yahay Reer Hebel, in tageero Beeleedna haysan, mid dadka Somaliland iskaba daa.

Haddana waxa Wasiirka Maxamed Biixi loo arkaa , nin Siyaasada Iyo halgankii Kulmiye door ku lahayn , isla markaana ayna dhici Karin inuu  ku loolami karo Hogaanka Xisbiga KULMIYE, kaas oo aanay muuqan door muuqda oo ku leeyahay,balse kali ah uu rabo inuu Muunad ahaan ka dhex muuqdo uun, Baarqabyadda ka soo jeedda Xisbigaasi.

Waxba ku sii dheeran-maayo Wasiir Maxamed Biixi iyo riyadiisa ah inuu Somaliland Madaxwayne ka noqdo. Lakiin waxaan uga digayaa inta Xisbiga hogaaminaysa ee taladu ka go,do, ee uu hormoodka u yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo in ay ka fiirsadan cida Musharaxa Xisbiga noqonaysa.

Madaxwaynuhu waa inuu tageero shakhsiga uu isleeyahay wuu ku bedali karaa, ee la soo halgamay umadduna ay maanta codkooda la garab-taagan-tahay , lehna Aqoon uu ku hanan karo jagada Musharaxnimada Madaxwaynaha ee Xisbiga, Waana Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana ah Musharaxa marka horeba dadku u codayn karaan. Musharax Ummada Somaliland isku- keeni kara oo Madaxwayne u noqon kara Muxaafid iyo Mucaaridba. Qof dhisi-kara dhaqalaha dalka, Ictiraafna keeni kara. Haddii Madaxwayne Siilaanyo  aanu tageerin Gudoomiyaha Kulmiye , tageerayaasha oo dhami, ay  is leeyihiin  waa uu qalmaa , waxuuna tageero ku leeyahay dhamaan tageerayaasha Xisbiga Kulmiye Gobolada dalka oo dhan.

kuwaas oo ay ku faalleeyeen in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi u qalmo Musharaxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

ama waa “The best Man of the Job’’. Haddii kale Marka Xisbiga Kulmiye waxaa uu ku danbayn doona halkii Xisbigii UDUB maray.

Dadweynaha Xisbiga Kulmiye waxay ogyihiin qofka u soo samray . isla-markaana u tanaasulay Tobankii sanadood ugu danbaysey , wax xila aan ka qaban xukuumaddan  Kulmiye ,sidaa daradeed . waxaanu imika ugu ducaynaynaa Xisbiga Musharaxiisa Madaxweyne Mujaahid Musse Biixi Cabdi .

Ugu danbayn :- ILaahayna waxaan ka baryaynaa inuu na waafajiyo tawfiiqda iyo talada toosan

-Allaa mahadleh-

By, Ciise Daahir Curaate.

Burco/Somaliland.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta