Haldoornews.com
Somaliland Maxaa Ka Qaldan? Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
August 19, 2015 - Written by admin

hawd(1)Ma taqaannaa khammaarka Istaahil Jookar ee tuugnimada ah ee saddexda turub la is dhaafdhaafiyo? Tuugga turubka dhigdhigaya waxaa la socda dhawr tuug oo kale kuwaas oo uu marba lacag siiyo si qofka daacadda ahi u moodo in lacag la ka la helayo. Sidaas bay tuugtu qofka ku dagaan oo ku caydheeyaan. U fiirso oo, budhcadda QAQ (Qawlaysatada Afduub Qaran) dhaqanka ay bulshada ku la dhex jirtaa waa tabtaa. Maantana wax ay soo kordhiyeen “Maxkamadda Dastuuriga ah oo baa taageertay muddo kordhintii guurtida”. Maxkamaddu waa tee? Ma inanka yar ee Siilaanyo oo doorasho dhaaf ahi shalay meesha u geystay dantan qudheeda? Alla dantoodu gun dheeraa oo halis iyo aayaxumo badanaa!

(2)

Anigu qof ahaan Cali-Gurey waan ku raacsan ahay Soomaaliyada Shabaabku qarxinayaa in ay Soomaalilaand maanta dawladnimo u ga dhow dahay. Dhab ahaantii dawladnimada Soomaalilaand dib ayay u hayaantay, wax ayna taagan tahay heer budhcadnimo ah oo aan maamul sharci ahiba jirin.

Si jahawareerka siyaasadeed ee Soomaalilaand la geliyay sababtiisa iyo xaqiiqadiisa la garto, cudurrada jira aynnu sidan u soo koobno:

  1. Sharciga dawladnimada loo dejiyay oo aan haba yaraatee wax qiimi ah lahayn cidina ku dhaqmin.
  2. Qabiilnimada oo weli la xeerinayo cid walibana sida u gu xun u gu danaysato.
  3. Anshixii iyo qiyamkii guud ee umadda oo ku burburay qalalaasihii dheeraa ee la soo maray, taas oo keentay in xishoodku dhinto xumuhuna caadi noqdo.
  4. Masuuliyiintii oo oo noqday dad shaqo tag ah, danna aan ka lahayn dawladaynta dalka iyo wanaajinteeda.
  5. Bulshada oo aan lahayn abaabul siyaasadeed oo ka baxsan reernimada, taas oo ka lumisay awooddii ay siyaasiga ku la xisaabtami lahayd.
  6. Madhnaanta kaalintii aqoonyahanka dadweynaha wacyigelin lahaa, siyaasigana tilmaami lahaa ee ilaalin lahaa.

Arrimahaas oo is biirsaday baa dhalay maamulkii dawladdu in uu isu rogo kooxo budhcad ah oo ku heshiiyay in ay dalka sharci darro ka ga shaqaystaan. Taa darteed waa doqonnimo qof muwaaddin ahi maanta in uu QAQ moodo maamul dawladeed oo dhab ah.

(3)

Gole Wakiillo? Gole Guurti? Gole Xukuumadeed? Xisbiyo Qaran? Yaa doortay horta dadkan oo ay matalaan? Waa in la gu sheegaa magacooda runta ah ee Qawlaysato. Wax alla wixii dalku sharci iyo nadaam dawladeed lahaa badheedh bay u burburiyeen, umaddana wax ay ku haystaan budhcadnimo hubaysan. Sidaa darteed waa dembi aad u weyn in dawlad la gu sheegaa. Waa in la gu kacaa oo la gu qasbaa in ay dhakhso u qabtaan doorasho la gu doorto galayaal sharci ah. Waa in guryahooda loo gu tagaa oo la gu hor joogsadaa, ilaa ay taa oggolaanayaan. Tallaabadaas oo qudha ayaa furan haddii la doonayo dawladnimo sharci ah iyo midnimo bulsheed. Haddii kale cid waliba wax ay xaq u yeelanaysaa in ay waxa ay doonto samayso. Weligaa ha rumaysan hana sugin QAQ in ay doorasho ku qabanayso laba sano iyo laabtan sano toonna. Qorshaha ay dhigteen ee ku qoran warqaddii muddo kordhinta ayaa sidaas ah.

(4)

Budhcadda QAQ siyaasadda qudha ee ay dalka ka hirgelisay kana waddaa waa dhaqan xumo ah dawladnimadu in ay tahay laaluushid bulsheed iyo musuqmaasuq la xalaaleeyay. Kooxdani haba yaraatee garan mayso ama dooni mayso maamul dawladeed oo aan intaas ahayn. Maanta xaaladda Soomaalilaand waa qawlaysi aan qofna ku talagalayn shaqo xaq ah, risiq xalaal ah iyo sharci la raaco.

Waqti aad iyo aad u dheer ayay qaadan doontaa in la soo nooleeyo dhaqanka ah qofka dawladda u shaqaynaya in aqoon iyo karti la gu doorto, in uu kadab xalaal ah ku noolaado, iyo in uu sharciga ka dhawrsado.

(5)

Nin ka tirsan golaha aan sharciga ahayn ee Wakiillada oo masuul is ka dhigaya, oo dadaalaya, gumaadka ay budhcadda QAQ carruurta ku hayso wax uu ka yidhi : “Aduunyadu way ka ooydaa, way ka ilmaysaa, way ka cabataa haddii carruur la laayo. Maalin dhawayd inan yar oo 11 jir ah ayaa la dhaawacay oo aduunyada oo dhan baa ka wareertay. Waxaan leeyahay xukumaddu dib ha isu gu noqoto gacanta fududna ha dayso.” Garo oo, laynta carruurta la gu hayo sideeda u ga ma xuma, wax uu se ku eegayaa arrintan oo kale in ay adduunyadu diiddan tahay. Dadka siyaasiyiinta sheegta Soomaalilaand ma mooddaa quruun meel kale ka timid oo aan umadda la dhaqan iyo diin ahayn?

(6)

Tuugada QAQ waad taqaane, ma taqaannaa tuug-kalkaalkeeda? Waa qofka marka foolxumada QAQ la sheego la soo boodaya: 1) Siyaasiga xumi innaga ayuu innaga dhashay oo sidaa u wada xun, 2) QAQ iyo kuwa soo socdaa is ma dhaamaan. Tuug-kalkaalow, waxaa la gu yidhi, bulshadu tuugo ma wada ah ee waxaa badan inteeda khayrka qabta. In doorasho iyo xisaabtan joogto ah la sameeyo ayaa tuug hore iyo mid iman doonaba la gu qaban karaa. Hadalkaaga dalabta lihi wax uu la mid yahay sidii addoon leh, mustaqbalka waan ka baqayaaye addoonnimadayda ii daaya!

(7)

Halabuurka, fannaanka, aqoonyahanka, wadaadka, suldaanka, garsooraha, warfidiyeenka…Dadkaasi waa ummad walba haldoorkeeda, waana dadka qaabeeya aayaheeda. Dadkaasi waa garashada iyo damiirka xorta ah ee umaddaas. Inta ay dadkaasi xor yihiin ee gob yihiin, in la mid ah ayay umaddoodu xor tahay oo gob tahay. Addoonnimada iyo gunnimaduna waa beddelkeeda. Hadddii aad aragto kooxahaas oo siyaasiga u dhow, la sawiran, ammaanaya ama ka haybaysanaya, ogow umaddaa waa la rogayaaye.

 

Fikirkaaga ka Dhiibo  oo noogu Soo dir Jawaabtaada

contact@haldoornews.com

 

COMMENTS
Arimaha Diinta