Haldoornews.com
“KU DAAYAYE DOOG HA KAA BAXO”Muj:Cali Guray
August 19, 2015 - Written by admin

Go’aankii hogaanka sare ee Doorasho-diidku wuu sharci yoobay taas oo guul kale u ah Doorasho-diidka lakiin Somaliland guul darro kale u ah waayo Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ee maanta soo af jaray khilaafkii taariikhda doorashooyinka la qabanayo ee mudaysay 28 March 2017 wuxu noqon karaa gabal baas oo u dumay dimuqraadiyadii Somaliland sababta oo ah qorshaha Hogaanka Sare ee Doorasho diidku(HSDD) maaha in ay doorasho qabsoonto taariikhda ay Maxkamaddu sharciyaysay ee 28 March 2017ka mana qabsoomayso. 

HSDDku dhawaaqa ka soo yeedhay maxkamadda ka dib hawsha ay ku dhaqaaqayaan waa sidii aanay doorashadu u qabsoon teen xiligaasi ee hadana guurtida oo shaqadii komishanka loo sharciyeeyay ay muddo kordhin kale u samayn lahayd. Waxay is waydiintu tahay xisbiyada mucaaridka oo cadeeyay inay ixtiramayaam go’aanka maxkamadu ee hadana og kuna qancsan xaaladda doorasho la’aanta oo dabcan xal la’aan ihi talaabada ay qaadi doonaan ka dib go’aanka maxkamada. Ma sidii hore ayuun bay sii wadi inay dhaamiyaan foosto gun la oo dadaal koodu ku dambayn maxaa daal la korodhsaday mise hadhka ayay uga dhici inay isku luraan doorasho ay og yiin in aanay jirin ee lagu maaweelinayo marna lagu madadaalonayo oo waxay odhan MAAWEELO MA BOGSIISO MEEL KU BUGTOO MA BI’ISO MADADAALO MURUGADA
shakhsi ahaan kolay anigu diyaar uma ihi in dib aan isugu luro sheekada doorashada aniga oo ka mid ahaa siyaasiyiinta hadh iyo habeen u taagnayn sida ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah taas oo maanta aan ku qancay inta xukuumaddan doorasho-diidka ihi joogto ay adag tahay in la xaqiijin karo. Sidaa daraadeed aniga arinka doorashadu iima boqon doono mawduuc aan daneeyo waayo ahmiyada hayga waan ka saaray hadii ay ciin daaqayso iyo hadii ay gamboor cunaysoba Somaliland waxan ka ahay qof intii arinka doorashada aan ka hadli karayayna waxan is leeyahay waad ka hadashay oo waxba kugu may baaqanin. Hadaba waxan leeyahay doorasho diidow ku daayaye doog ha kaa baxo

COMMENTS
Arimaha Diinta