Haldoornews.com
Faallo Siyaasadeed: Doorashooyinka Iyo Mudo Korodhka, Malaga yaabaa doorasho inay dhacdo 2017?
August 19, 2015 - Written by admin

maxamedMalaga yabaa doorasho inay dhacdo 2017? Diyaar ma u yihiin gollayaasha kala duwani inay qabtaan doorasho? xisbiyadda mucaaridku ma yihiin kuwa ka gudbi kara Caqabadaha yaala?

Muddo kordhinta Iyo go’aanka Maxkamadda: Muu ahayn go’aan ay dhibsadaan ama ay layaabaan, inta siyaasadda ku foogani, Mucaaridka sidaan horeba u tilmaamay heshiiskii xisbiyaddu ay galleen, wuxuu ahaa mid siyaasiyaan lagaga gacan sareeyay xisbiyadda mucaaridka ah, qodobka 1aad , waxay ogolaadeen oo ay sharci iyo dastuuri ku sheegeen go’aankii guurtidda, waa su’aale hadda maxaa ka dhawaajinaya imika xisbiyada mucaaridka ah, bal u fiirso, Gollaha guurtidu waxay cuskadeen qodobadda 83aad, farqadiisa 5aad doorashadda Madaxwaynaha, iyo qodobka 42aad Farqadiisa 3aad ee doorashada gollaha wakiiladda oo sheegaya in muddo Kordhin lagu samayn karo marka duruufo addagi wadanka ka jiraan sida:-dagaal baahsan, xassilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa, abaaro culus qiimayn ka bacdi. Haddaba Xisbiyadda mucaaridku si aan kafiirsi baddan lahayn ayay ku sheegeen in muddo korodhinta guurtidu ay sharci ahayd, haddii aanay heshiiska saddexda xisbi aanay galeen, doodooduna ay fadhiyi lahayd sharci daradda guurtida, xukuumada iyo guurtidaba jiq ayay ku ahaan lahayd.

Aragtidayda Doorashadda: Waxaan qabaa doodda ah inaanay doorasho dhacayn bisha March 2017: aragtidda doodaas waxaan u cuskanayaa, kuna dhisan tahay dooddaydu, qodobadan hoose-:

  • Cimiladda: Si xirfadaysan ayaa loogga shaqeeyay inaanay doorasho dhicin, Sooyaalka doorashooyinka Somaliland marnaba doorashada laguma beegin Xiligan, Bisha saddexaad waa xili kulul, abaaro ba’anina jiraan, duruufo qalafsana ay ku sugan yihiin bulshadda baadiyaha ku nooli, inta baddan bulshadda reer somaliiland waxay u hayaamaan Ethiopia, sidaa daraadeed surtogal ma aha xiligga doorashadda lagu aadiyay markaynu eegno cimiladda.
  • Muranka Saami qaybsiga doorashooyinka: cabashadda goboladda kala duwan ee Somaliland oo saluug baddan ka qaba, hab doorasheedka gollaha wakiiladda, Imika gobolladda Awdal Iyo Salal ayay xildhibaanadoodu ka baxeen ansixinta kala fadhigii, balse waxa hubaal ah in goboladda Maroodi jeex iyo Togdheerba ay qabaan cabasho, waxa bilaabmi doonta doodo cusub oo ka iman doona, gobolka saaxil iyo goboladda cusub ee la sameeyay.
  • Sharciyadda: dhanka sharciga xeerka doorashooyinka gollaha wakiiladdu wuxu muran wayn iyo kala qaybsanaan galin doonaa gollaha wakiiladda, xildhibaanadda gobolka awdal uma arkaan marnaba sharci xeerkan doorashadii barlamanka hore lagu galay, waxay doodoodu tahay in uu ahaa one time use.
  • Diiwaan galin codbixiye: Siday u baddan tahay, waxa la saadaalinayaa in diiwaan galinta codbixiyuhu bilaabanto sannadka danbe billihiisa hore, waa xili dalku abaaro ku jiro, aanay suurto gal ahayn in diiwan galin la sameeyo, dhamaan dadku wuxuu ka shisheeyaa xuduudka, taasina waxay dib u sii riixaysaa diiwan galin dhacda… dibu dhaca diiwaan galintuna wuxuu dib u sii riixayaa xal laga gaadho muran sharciyeedka doorashada gollaha wakiiladda
  • Kala xaddaynta goboladda iyo dagmooyinka: Waa muran hor leh, arimahani waxay sababi karaan xaalad amni, aragtiduna waxay isku baddali doontaa gobollo iyo degmooyin, sidaa daraadeed , xalinteeda iyo xal ka gaadhideeduba way muddo dheeranaysaa, waxa timaha la iskugu marayaa dagmooyin si nabada u wada noolaa, waxa la muran siin doonaa, gobolo aan shido ka dhex jirin.. balse marwalba oo timaha la isku sii marto waa guul xukuumada u saamaxaysa cimri dherer
  • Rabitaanka xukuumadda iyo xildhibaanaddu inay kuraasta sii fadhiyaan: bamkan lagu soo dhextuuray gollaha wakiiladda ee sababay inay xildhibaanada gobolka awdal ka baxaan , waxaa loo sibir saarayaa, dhabartaabasho xukuumadeed, xildhibanadu xisbi kasta oo ay yihiin waxay heshiis ku yihiin inay sii fadhiyaan xafiisyadda, murankooda , is qab qabsigooda iyo guur guuritaankooguba, wuxuu buuq galin doonaa shacabka, waana sidda ay rabaan gollayaasha oo dhami, taasina waxay horseedaysaa mudo korodh yimaadda.
  • Dhamaadka Muddo Xilleedkii gollaha Deegaanka: November 2017, waa xilliga ay ku eegtahay dhamaadka muddo xilleedka gollaha deegaanku, waa gollihii afaraad ee ugu danbeeyay oo wakhtigiisu dhammaanayo

2017, doodaha doorasho ee bilaabmi doonaa ama dhamaadka sanadka 2016ku waxaa laga yaabaa inay iskugu soo biyo shubato :

  • Waxa dhici karta in la kala qaaddo doorashadda madaxwaynaha iyo ta barlamaanka, iyadoo lagu salayn doono:-
  • In doorashadda baarlamaanka la soo horumariyo, ta madaxwaynaha iyo dawladdaha hoosana la dib dhibo lana israaciyo, maadaama oo xeerka dawladaha hoose iyo madaxwaynahu ay dhamaystiran yihiin, lana sii waddo doodda ta barlamaanka si loo soo afjaro.
  • Waxa kale oo la abla balayn doonaa, inaan waddanku 3doorasho lawadda qaban Karin, sidaa daraadeed ay haboon tahay in muddo kordhin loo sameeyo Gollaha deegaanka
  • Gollaha baarlamaanku dagaal adag ayay ka gali doonaan in doorashadda baarlamanka la soo horumariyo, waanay adagtahay, wax hortaala markaa xukuumadda si ay u sii noolaato inay kala dirto baarlamaanka, doorashana la qabto.
  1. Diyaar ma u yihiin gollayaasha kala duwani inay qabtaan doorasho?

Psychologically, bini’admigu marka uu muddo qabatimo hawl ama muddo dheer ku nagaado xafiis, wuxuu u qaataa ama u arkaaba meel uu xaq u leeyahay joogitaankeedda. Sidaas waxa ka dhigan, Gollayaasha kala duwan ee qaranka oo aan marnaba raali ka ahayn diyaarna u ahayn inay baneeyaan xafiisyadda, waa arin horseedaysa inaan doorasho dhicin, waddankuna khal khal gallo., Xubnaha baarlamaanka iyo Gollayaasha kal duwani waxay heshiis guud ku yihiin inay ku sii nagaadaan xafiisyadda, taasina waxay lugjiid ku tahay, qabyo tirka sharciyadda, hirgalinta diiwangalinta iyo soo afjarida muranadda goboladda iyo dagmooyinka.

2.1. Masuuliyadda doorashadda: Waa masuuliyadda uu leeyahay madaxwaynuhu, lalama wadaago cid kale, sharciga dalka ayaa siinaya, waxaanay ahayd qodob uu ku soo gallay ollolihii doorashadda madaxwaynaha, fagaarayaal baddan ayuu kaga soo goodiyay inaan muddo korodh loo samayn doonin, oo uu ka shaqayn doono in doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, waa dhab oo shacabkii mar haddii uu kursigii ku fuulay, maxaa uga gidhiisa, abwaan weedhsamaa lahaa: Kaad ku guurtay waa galabsigii inaad ka guurtaa,

dad kuu guusay waa garashadaa inaad gumaysaa

  1. xisbiyadda mucaaridku ma yihiin kuwa ka gudbi kara Caqabadaha yaala?

Xisbiyadda mucaaridku haddii ay awood midaysan iyo soo jiidasho la yimaadaan ay ku muujinayaan inay diyaar u yihiin inay gallan taran doorasho, waxa hubaal ah in ay xukuumadda iyo gollayaasha sharci dajintaba ay galin karaan cidhiidhi siyaasadeed, aykuna qasbanaan doonaan in doorasho wakhtigeedii dhacdo, balse waxa ka horeeyee:

  • In Gudoomiyaha xisbiga Waddani iska casilo guddoomiyanimada gollaha baarlamaanka
  • In ay xisbiyaddani ku dhiiradaan qabashadda, shirwaynayaashoodii, soona dhisaan gollayaal dhexe iyo fullineed oo awood baddan
  • In ay soo bandhigaan barnaamij siyaasadeedyadooda, sidoo kalena ay dadaal u galaan sidii sharciyada iyo muranada siyaasada ku xeeran loo taban taabin lahaa dhamaystirkooda
  1. Muddo Korodhku Xaaladd Noocee ah ayuu qarankan gallin karaa?

Awood daridda mucaaridka iyo kasbasha la’aantoodu waata xukuumadda ku dhiirigalinaysa in uu mudo korodh dhaco, balse taa waxa garab socota , in shacabku intiisa baddani yahay mucaarid, haddaba way adagtahay in muddo kordh kale dhaco, balse haddiba ay timaaddo oo ay dhacdo, waxaa hubaal ah in kacdoon dadwayni dhici doono, taasina ay horseedi doonto, in xukuumadda lagu sanduleeyo doorasho dag dag ah oo qabsoonta. Shacabkii sabarkii ayaa ka sii dhamaanaya, waxa naafeeyay, kala qaybsanaan, qabyaaladda, eex iyo nin jeclaysi xafiisyadii dawladda ehel la noqday, rajadii ictiraaf oo gabaabsi noqotay iyo fashil wayn oo soo foodsaartay wasaaraddii arimaha dibadda, xaaladda amni ee goboladda, dilalka ciidamada dhexdooda, laynta shacabka ee booliska, duruufo dhaqan dhaqaale oo adag, khilaaf siyaasadeed, iyo kala socodka xukuumadu wuxuu horseedi karaa, xaalad nabad galyo oo fara ka bax ah

  1. Tallo soo jeedin: Si aanay doorashadu dib u dhicin, loona samato bixiyo qaranka, shacabkuna u helaan nabadgalyo iyo inay doortaan cidday xal moodaan, waa in gollayaasha qaranku isku xilsaaraan, kuraastana boodhka ka hurgufaan, nin walibana qalbiga u sheegaa in la baddali karo, iskuna diyaariyaan doorasho dalkan ka dhacda, Dhici mayso , inay gollayaashan aan kalsoonidda shacabka haysan ay horjoogaan shacabka, inta ay xal iyo saabaalayn marayso waxaa haboon:-

1- In xukuumadda iyo gollayaasha sharci dajintu u tafo xaytaan dhamaystirka qabyada sharci, gudda galaana doodaha kala xadaynta goboladda iyo dagmooyinka, xukuumaduna daacad ka noqoto qabashadda doorashada, fududaysana waxkasta oo suuro galin kara qabsoomidda doorashadda

2-Guddida doorashooyinku waa inay masuuliyad wayn iska saaraan qabashadda diiwaan galinta dooorashooyinka

3-In si wadda jira xisbiyadda mucaaridka iyo muxaafidku uga hawlgalaan, dhiraan dhirinta suurta galinimadda doorasho qabsoonta

Qalinkii; Maxamed C/kariin

COMMENTS
Arimaha Diinta