Haldoornews.com
Saraakiisha Ciidamada, Ciidankooda Ma Uga Xidhnaa Shaadhka Aan Xabadu Karin.!!!!!!!!!!! qalinkii: m/faysal jamac xasan
August 18, 2015 - Written by admin

KAN DANBE

waalidkeen alle ha xafaidee ayaynu ka maqli jirnay ducadii ahayd, balaayada hore riixan,ta baaluhuna reeban, ta hoose radeeban, iyo tusaalayaal badan oo ay isticmaali jireen marka ay balaayo dhacdo,  balay baydh oo naga baydh.

saaxiibayaal waxaan maanta qalinka u qaatay in aan wax ka idhaahdo falalka dil ee toogasho ee dhawaan inagu cusub, haday ahaan lahayd saraakiisha ciidamada iyo ubadka yar yar ee ubaxeena soo koraya oo intuba u dhintay toogasho rasaas ay ciidamada kala gadisan ee booliska iyo ciidanka qaranka ay ga,ysteen.

waa xaajo ugub inagu ah, wiilal yar yar iyo saraakiil cidan  in ay qudhbaxaan.

in yar aynu taariikhda dib u celino, ku sinaan sagaashamaadkii waa aynu ogayn sida ay owoodeena ciidan ahayd iyo sida uu amnigeenu ahaa, hadana lama maqli jirin saraakiil ciidan oo toogasho  ay la beegsadaan ciidamadii amarka ka qaadanayay.

sidoo kale inagumay badnayn  caruur ama maato  rasaas nool ay ku dhacdo  iyadoo maamuladii hore aynu mar mar arki jirnay.

waxa idi xasuusinayaa saraakiil ciidan oo gobolo kal duwan ugu geeryooday rasaas ay ooda kaga qaadeen ciidamadii markaasi amarka ka qaadanayay,

hadaba waxaa is waydiin leh waa maxay sababtu.( 1.ma darajada loo qaybiyay ayaa dhibka soo jiidaysa oo ay askartu diidan tahay.

2.ma saraakiishay reer u badan yihiin 3. mise amarka ay saraakiishu bixinayso ayaa si qaldan u baxaya 4. mise ciidamada ayaa sarkaal jacayl ah. mise aqoonta hogaaminta saraakiisha ayaa liidata oo aan gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa.

qodobadaasi waa kuwo aan ku cabiray dhimashada saraakiisha ee soo noq noqonaysa waayadan danbe.

hadaba aynu yara dul istaagno sida loo qaybiyay saraakiisha ciidamada ee hada dalkeenu haysto, ugu horayn gudidii loo xilsaaray bixinta sarkaalnimo,

waxay saldhig ka dhigteen qodobadan  ( 1) in uu sarkaalku uu yeesho waayo aragnimo hore oo ciidan (2) sarkaal hore oo gaboobay oo leh khibradii sarkaalnimo (3) sarkaal cusub oo d,a yar laguna soo xulay aqoon jaamacadeed  iyo tababar sarkaalnimo oo ay dibada ku soo dhamaysteen (4) iyo heerka guud ee beelaha somaliland  oo hal beeg u ahaa qaybinta saraakiisha.

si kasta oo lagu soo xulay waxaynu helnay saraakiil ciidan oo aad u tayo fiican isla markaana bilay oo dhamays tiray haybadii saraakiil ciidan ee dal lahaan laahaa, isla markaa ay u asturmeen garbihii qaawanaa ee cadaysimaha ahaa, qurux iyo sharafina waa ay u soo korodhay ciidamadeena.

sidoo kale waxa iyana amaan mudan dowladeena hada xilka inoo haysa oo noqotay dowladii ku guulaystay bixinta darajada ciidamada jamuuriyada soomaaliland, isla markaana dhamays tirtay shuruudihii looga baahnaa ee sarkaalnimo .

hadaba si kasta oo ay tahay dowlada hada xilka haysaa waxa looga fadhiyaa in ay baadho  kiisaska dilaka ah ee inagu cusub wakhtiyadan.

gaar ahaan wasaarada difaaca iyo ciidamada ayuu xil ka saaran yahay si ay u helaan xog sugan , iyadoo aanay meesha ka madhnayn sarkaal kasta oo dhintaa uu dilay qof la yaqaan oo ah askarigii uu amarka siinayay, mid baxsada iyo mid la qabtaba.

sidoo kale waxaa sharaf dhac wayn ku ah ciidamada kala duwan haday ahaan lahaayeen qaran ama boolis in askari sarkaal toogtay uu ka baxsado, isagoo ciidankeenu leh ciidan sir doon oo awood leh jawaantuna ay noqoto askarigii wuu baxsaday oo lama hayo.

dhinaca kale ee qormadan aynu ku milicsano toogashada ciyaalka iyo dhalinta da,da yar , haday tahay kuwo mudaharaaday iyo kuwo saldhig lagu dhex toogtay.

badanaa waxaynu saraakiisha ciidamada ka maqalaa waa qalad dhacay iyo askari ayay xabadi ka fakatay baadhid ka hor marka uu shilku dhaco.

qadar lama baajin karo balse fikirkayga ahaan isticmaalka xabada nool waxay keentaa uun dhimasho ama dhaawac mid uun, waayo askari dad mudaharaadaya ay isku dhacaan isla markaana askariga la xanuujiyo ama dhagax lala dhaco ,

markaasi waxa dhacaysa xaguu ka isticmaali lahaa rasaastii caaga ahayd ama sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo biyahihii cadaadiska lahaa ee dadka kala eryi lahaa , taa badalkeedii askarigeenu waxa uu gacanta ku haystaa oo kaliya waa ak 47 ka dib isgaa halkii qalabkaa aynu ka soo sheekaynay u galaya, isla markaana waxa uu gaysanayaa dhib tuu ugu xumayd oo ah dil iyo dhaawac intaba.

hadaba si uu culaysku ciidamada uga dhaco xaaja kasta oo dhacdana ay xal uga gaadhaan waa in loo soo dhamays tiraa qalabkaa muhiimka u ah ka hor taga rabshadaha.

dhinaca kalena waxaa looga baahan yahay in dowladu dadkeeda u naxariisato, isla markaana ay shacabkeeda u furtaa wacyi galin isla markaana ay bartaa mudaharaad waa maxay? yaa xaq u leh mudaharaad? shuruudahee looga baahan yahay mudaharaade? loogana baahiyaa warbaahinta kala duwan ee leh  tv yada iyo idaa,cadaha, shacabkuna yaanay noqon hasha geela cuntee cabaada,

ciidankuna waa ciidan shacabkuna waa shacab,ciidankeenuna waa kuwa aynu ku hurudno amaankeenana aynu u daba fadhiisano laamaha amaanka qaabilsan.

ciidankuna yaanay noqon wiil saldhig ka baxsaday in ay sida shibirta u toogtaan ,

askari hadii uu wiil danbiile ahi  ka baxsado saldhig aad gaadh ka haysay ha is ticmaalin rasaas, isku day in aad shaadh cad u soo xidhato isla markaana isagoo gurigooda hurda aad shaadhka soo qabatid intaad nafta waydaarin lahayd.

shacbigow tix gali askariga, askariyowna u dul qaado shacabkaaga.

waa qalinkii:m/faysal jamac xasan, saudi arabia dammam , tellphone : 009660540095481

COMMENTS
Arimaha Diinta