Haldoornews.com
Guri Ba’ay… Waa Hees Cusub Nimcaan Hilaac Iyo Deeqa, Ereyadii Sadiiq Burmad Iyo Laxan Iyo Tumista Furinle
August 18, 2015 - Written by admin

gabadha
Qushi waa ninkaagii
qanci waa duuqaagii
qari boogihiisoo
ku qab baa I wiiqdee
ifur oo wadada qaad
waa qaraar an gaadhee

wiilka
qaladqalad laguma saxo
waa quudka cadhaduna
ku qadhaabto shaydaan
ee qaaliyeey joog

gabadha
waxan qoomameeyaa
qarqarsiga sidii awr
intaan qoobka kuu xidhay
een kuu qataarnaa
iga quuso quustaye

wiilka
haqasaarin guurkii
qarniyaal jacaylkii
soo jiray ha qaran jabin
hana qubin carruurtee
is qabooji ladaneey

baydka 2aad

gabadha
dhaaxaan qabsoomee
qolqolkaygu naar iyo
qaac iyo haduu yahay
qaxan aan marqudha damin
qaxayee midkale dubo
anna qoonta aan dhayo

wiilka
isma qabato kaligeed
quman haygu noqonine
utumaha hasoo qodin
qaladkana kasoo noqo

gabadha
qarasoow galbeed eeg
qorrax may ka soo bixe
qaddar eebe mooyee
qudh la jaray masoo noqon
qalbi jabay ha naawilin

wiilka
qiil male warkaaguye
ku qaboow dalqadahoo
qamacaad ma karayee
barri iyo qaboonada
qaadiga inoo gee
qaadio

COMMENTS
Arimaha Diinta