Haldoornews.com
Sharciga Maatida Gumaada Afmiishaarkana Guneeya . Q/1aad.W/Q:Mubarig Farhan Farah Araye.
August 17, 2015 - Written by admin

mubarikWaa markale iyo aragtidii aan ku hoga tusaalaynjiray danta umada iyo toosinta qaranka kagana hadli jiray kolba xaalada jirta wadanka iyo dhibaatooyinka jira,

maantana waxaan u tafaxatay in aa waxa ka idhaahdo arimo kajira wadanka oo ay ka mid yihiin dulmiga in afmiishaarada la guneeyo loonasiiyo hantida qaranka faqiirkana la gumeeyo oo aan loo aaba yeelin iyo qof meel looga qaado qofke, sharciyada qabanaaya miskiinka afku xooglaana aan qabanain , udabac sanaan la aanta mujaahdiintii dalkan ku soo laxaad beelay.

Inbadan waxaanu ognay in ay jiraan dadbadan  oo aad waagii baryaba maqlayso iyaga oo leh waxaa nalaga qaaday meeshii aan daganayn lana dajirayaa qofkale taasi oo ay tahay qofka danyarta ah ee daganaa meesha uu daganyay haba daganaado mudo deer ,ha ahaato danguud ,oo la siinaayo qof lacagleh oo ka yimid qubo ama reero gaara looguna sharciyaynayo isaga oo uu dagan yay dad danyara mana dad mugaahidiina ,ogow waxaad ogaataa danta guud yaale? Danta guud waxaa iska leh dadka oo dhan waxaaleh qaranka oo dhan ma laha shakhsi ama cidkale loomana ogolaankaro in uu shakhsi lagu naas nuujiyo dantaguud  hadaba waxaa arxandaro ah marka uu qofku garan waayo waxan aad iibsanysaa ma iibinaysaa waa hanti qaran oo hadana ku darsado in uu garan waayo cida meesha dagan ama ku nool oo ay ka midyihiin dadka danyarta ah iyo daka mujaahidiinta usoo gacmo iyo lugaba beelay dalka kuna xaqleh in la siiyo iyaga inta shilimo yar lagu naas nuujiranaayo cida aad baahi u qabin.

Dawlada imaka jirtaa inta danguud ee ay iibisay ilaahay uunbay utirsantay, waliba iibin maaha ee waa qof meel ku nool qofkale dulfur hana u aabo yeelin hadii uu danyar ama mujaahid yahay,

Dad mudo badn meel gabaad iyo hoy ka dhiganaayay kaguur waa dhibaato isaga oon haysan meel uu dhinaca dhigo waana arxandaro in qof meel walba daaro ku leh layidhaa uga bax meesha aad ku nooshay qofka marka meesha dagan marka laga saarayo xuquuqbuu leeyay waa mujaahid waa dad danyara waa dadkii lacaawinjiray hadii haada loo daadiyo igaga iyo ubadkoodaba saw cuquqo iyo cadaabi ka dhalan mayso.

Hadba waxaa waajiba in danyarta la caawiyo laguna caawiyo adoon iyo talo labadaba hadii danyarta loo garanwaydo iyo mujaahidiinta ku jira dulka ama dismayaasha danta guud in loo sameeyo ugu yaaraan waxa ay gaboodkadhigtaan oo ay kaga guuraan meeshaas haday dawladu u heli waydo wax ay kaga bixiso badlka meeshaas kana ay uga qaadayaan hadaa uu jeclaaday dulkan isagu ha ubadalo oo ha qiimeeyo waadadkiisiiye.

Mida kale waxaa jira umad markaa xukumayso ama aad utalinayso hayaraado,hawaynaad,danyar aha ahaado,taajir ha ahaado in uu mid walba ula dhaqmo si bila’aadan nimo ku jirto iyo xushmayn ee aano soo kale dhawysan dadka shuruuxda dalakana loo sinaado waxaa jirta in dad meelo loosoo sexeexo iyaga oon lagala tashan dakii yaalay ama daganaa waayo qafka markaa wax u soobandhigto kudiid ama ku yeel intaanad dadka madaxa isu gali waxaa waajiba in la dhameeyo meesha amarka hore.

Midna ogow mujaahidintii nabada iyo hurumarka aad ku nooloonayso ku soo gaadhsiiyay magayaan inloola dhaqmo sida wax magaratada iyo tii ay ka soo dhiciyeen madaxbanaanada somalialnd ha ugu badalintii oo kale,mujaahidku nin iyo gabadhba waxa uu mudanyay wanaag,xushmayn iyo in lagacan gabto lana caawiyo waayo waxa uu laxaadkiisii ku waayay si uu ka ka dambeeyaa u helo nabad galyo iyo cadaalad.

Waxaa iska jirta in dalka ay ka shaqeeyaan dadbadan oo xun kuwaas oo aan ujeedadooodu tahay uun in ay afkooda wax lahelaan hanoqoto wasiir,siyaasi, madaxwayneyaal iyo afmiishaaro kuwaas oo dalka isku biya biyaysa,una aabo yeelin cashuuraa yaree danyarta laga soo ururiyo.

Dawlad iyo cidii kale ee wax kaga tari karta daka tabaalaysan ama mujahiniin ahna waxaa ugu boorinayaa ila ogaado lana garabtaagnaado lagana daayo kaladhawaysiga mujaahidiintu waa isku wada mid danyartuna waa dakaaga waa ehelkaaga waa kii ku la dhashay waakii kaaga baahnaa caawin waakii aad codkiisa ama hiilkiisa ku soo baxay madax inaad noqoto.

ha u arkin xumaan waa toosin iyo tusaalayn

mubarig farhan farah.(araye)

mubarig06@hotmail.com

 

COMMENTS
Arimaha Diinta