Haldoornews.com
Dhoolatuska Badhasaabka Gabiley iyo Dhoohanaanta Maayarka + Dhibaatada Abaaraha oo Dharkoodu kala Roonaaday.
August 17, 2015 - Written by admin

Hargeisa (Haldoornews)-Masuuliyiinta Gobolka iyo Maamulada Degmada Gabiley oo u badan Dhalinyaro Siyaasada ku Cusub isla markaana uu Gadhwadeen uyahay Badhasaabka Gobolka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isagu ahaa Suxufi ka hawlgali jiray Warbaahinta Magaalada hageisa intii Dalka Dib loogu soo noqday, halka Maayarka Gabiley Mr. Maxamed Amiin Cumar Cabdi uu ahaa Nin Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Wadaadada yaryar ee Salafiyiinta ah kana mid ahaa dhalinyarada Ururadda Bulshada ka Shaqeeya ayaa lagu Arkay Dhaqamo ku Cusub Saaxada Siyaasada Somaliland.abaaraha
Kamarada Suxufiyiinta ayaa ku Dhacday Masuuliyiintan oo Wakhti lagu Gudo jiray Gargaarka Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Gobolka Gabiley iyaga oo Sawirro isaga qaaday Goobtii dadka wax loogu qaybinyay sidii dalxiisayaal Tamashle ku soo gaadhay halka looga Baahnaa inay Masuuliyad umuujiyaan dadka Danyarta ah ee u baahan Gargaarka Bani’aadanimo isla markaana dareenkooda la qaybsadaan oo ay dareensiiyaan inay maamul ahaan ka Xunyihiin dhibta dadkooda haysta.
Masuuliyiintan ayaa la mooday inay Todoba bax Aroos Cusub udabaal dagayaan iyagaa kusoo labistay Suudhadh isla markaana Warbaahinta ka Dalbaday in Sawirro Fiican laga Qaado si looga warhayo Safarkooda wakhti biyo la,aan iyo abaaro ba’an Dadkii iyo xoolihiiba ku leedeen.
Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka ayaa ah Nin khibrad ahaa ka yar da’wayn Maayarka isla markaana Nimaadka kulmiye kaga soo horeeyay kaasi oo Jidka usii xaadhay Qoyska madaxtooyada oo Lacagaha ka soo baxa Toos loogu Geeyo iyada oo aanay marin nimaadka Xisaabaadka ee wasaarada maaliyadda ama Bangiga Dhexe.
Maayarka Gabiley oo la Tuhmayay isla markaana la Bidayay Dhalinyarada ka Nadiifta ah Musuqmaamusaqa iyo Talooyinka loo yeedhiyo ayaa waxaa lagaga awood roonaaday Xukuumada Sarre isla markaana Hogaanka loo qabtay isaga oo ka baxay Xisbi Mucaarid ah isla markaana Xukuumadu udiiday in Golaha Dhexdiisa Cidi kula tartanto. Arimahaasi ayaa Dambaska ka dhigay Awoodo la bidayay in Maayarku Adeegsado iyo Garaad ka Fayaw wax isdabamarin, waxaanu si Toos ah shabaga ugu dhacay Budhcad Hantiyeed Jeebka ku Sita Dakhliga Gobolka oo Hogaanka uhayo Badhasaabka Gabiley iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo Maakhirayad Cusub kula dhaqmay dhalinyaradan shabaga ugu dhacday.

Badhasaabka ayaa isagu isbidaya Awooda Maayarka Gabiley ku Haysa Xilka isla markaana Xukuumada Dhexena ula Taga Sawirka uu Isaga ka Arkay oo ah Hogaamiye Sifiican ugu Daba Fayla Amarkiisana aan hadal ka soo celin iyada oo dhawaan intii Dhibaatada abaaraha iyo biyo la,aanta lagu jirayna uu Guriga Martida ku Casuumay Fanaaniin Tiro badan oo Kharashka ku baxay boqolaal qoys biyo dhaamis loogu samayn lahaa.

La soco qaybaha Danbe ee Arintaasi iyo Xogo Bulshada ka Dahsoon oo aanu daaha ka qaadi doono.

Haldoornews.com
Hargeisa/Somaliland
contact@haldoornews.com

 

 

COMMENTS
Arimaha Diinta