Haldoornews.com
Daa,Yeerkii Buurta Hegabo Oo Tellphone U Diray, Daa,Yeerkii Cadhooday Ee Gabiley. Qalinkii M/Faysal Jamac
August 17, 2015 - Written by admin
  1. hello coofle hegabo lafaruug, ma i maqashaa.
  1. si fiican coofle ,
  1. coofle hegabo lafaruug. waad i garatay ayaan u malaynayaa, waa asxaabtii buurta hegabo lafaruuf, ma nabad qabtaan.
  1. coofle gabiley. ku gartay coofle , nabadi waa ay adag tahay xagayaga waxaa isugu kaayo darsamay abaar, biyo la,aan, midho la,aan iyo reer laba lugoodle oo aan isku dhacnay markaanu shaxaadnay.daanyeer
  1. cooflaha hegabo lafaruug. aad ayaan uga xumahay weerarka aad qaadeen ee aad ku raadinayseen cunto iyo cabid reer laba lugoodna waa ay idin af garan waayeen, is af garan waagaa waan maqlay dagaal culusna waa la sheegayaa xagiina imisaa coofle ayaa dhintay imisaa se dhaawacmay.

 

  1. coofle gabiley. huuno 5 waa dhimasho 2 na waa dhaawac iyo waxoogaa aanu yara baro kacnay, balse waxaan kuu sheegayaa arinkaasi ka hadhimayno,markaanu is tirsano, reer laba lugoodle waxaanu u gudbinaynaa dacwad maxkamada sare ee dalka, waanu maqalay in nin cusub oo aanu isku reer nahay loo soo magacaabay kkkkkkkk.

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. waa si fiican coofle, si wanaagsan oo bilaa turxaana u gudbiya dacwadiina, anana waxaan idiin soo diraynaa 10 oday oo cooflayaal ah isla markaana garyaqaan ah.

 

  1. coofle gabiley.waanu filaynay kartidiina iyo howl karnimadiina waayo idinku waxaad haysataan biyo dur dur ah iyo midho intaba markaa markaad soo baxaysaa xaga xeebta soo mara aan idinka hornimaadnee waayo hadaad soo martaa jid cadaha dheer qolooyinkii laba lugoodle ayaan idin daynayn, waxay idin moodayaan gurmad ma i garatay coofle.

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. si fiican waan gartay, waxaan maqlay in caawimo xaga abaarta ah la soo gaadhsiiyay laba lugood laha idinla dagan miyay wax idinka soo gaadheen kaalmadaas.

 

  1. coofle gabiley. horta inaadeer intii dhimatay ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo, intii dhaawacana alle ha shaafiyo, xaga kaalmada quudka ah ee la soo gaadhsiiyay reer laba lugoodle, waa ay jirtaa, laakiin iyaga badhasaabka iyo maayarkooda ayaa u dooday oo u keenay, laakiin anaga reer coofle ahaan waad ogtahoo ma hadalno, waxna ma qorno, hubna ma qaadano, shirjaraa,idna ma qabano markaa xagay wax naga soo gaadhayaan,

 

  1. cooflaha hegabo lafaruub. cooq. cooq. sidaan warka ku hayno reer coofle ahaan doorashadii ina dhaaftay ee kulmiye ku guulaystay 1500 oo coofle ayaad codka ku siiseen codkiinii mee miyaan wax laydinku qaban.

 

  1. coofle gabiley, huuno taa jawaabteedu, waxay noqonaysaa codkaasi cirka u tuur, xaga wax qabad kana horta reer gabiley waa gob, waxaan xasuustaa odhaahdii ahayd( how ma joogno, how ma joogno jibriil badhtankii how ma jiifno) (xadradii xaaji daahir how ma jiifno).

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. waxa nagu maqaalo ah in cooflayaashiina gabiley loo balan qaaday doorashadii hore in laydin siinayo agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha balan qaadkaa wali maxaa hor taagan.

 

  1. cooflaha gabiley. huuno balan qaadkaasi waa jiray laakiin waa lana siyaasadeeyay oo midh lana ma siinin, waanad ogaydoo reer coofle gabiley siqiir iyo kabiir waxay wada ahaayeen kulmiye taasi se ma ay shaqayni.

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug.dacwada goormaad bilaabaysaan oo aad ku soo oogaysaan reer laba lugoodle,

 

  1. cooflaha gabiley, huuno dhawaan si dhakhso ah markaanu reer coofle gabiley ahaan shirno.

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. doorashada danbe hadaynu reer coofle nahay codkeena aynu midayno si aynu wasiir u helo.

 

  1. cooflaha gabiiley. nagu haleeya hadaanu reer coofle gabiley nahay waa balan inkastoo doorashadii hore reer coofle ahaan aanu saqiir iyo kabiir kulmiye wada ahayn.

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. waa inoo balan, laakiin anaga doorashadii hore, qolo ucid ah ayaa buuraha noogu soo fuushay oo aan codkii qayb siinay, xusbigii kale ee kulmiyena waxa na soo gaadhay alaab ka timi marwada maxdax waynaha siilaayo aamin sheekh maxamuud jirde oo ay noogu soo dhiibtay odayaal laba lugoodle ah, waxaana ka mid ahaa kaalmadaa( bustayaal, qalabka caruurta ay ku ciyaaraan,iyo dawo,runtiina aad ayay noo anfacday xiligaas, xaga wadani laftiisa aad ayuu noo caawiyay waxaanu naga furdaamiyay libaax dad cun ahaa oo naga soo dhaadhici jiray buurta gacan libaax oo na soo weerari jiray.

 

  1. cooflaha gabiley. cooq, cooq. huuno arinka dacwada si aan u dardar galino, odayaasha reer coofle hegabo deg deg u soo baxa , huuno waxoogaa midho ahna noogu soo dhiiba dhashu ha noo cuntee .

 

  1. cooflaha hegabo lafaruug. cooq.cooq. waan gartay nabaday.

 

( waa qalinkii m/faysal jamac( saudi arabia dammam) ( jamac_351@hotmail.com tellphone 00966540095481

daanyeer

COMMENTS
Arimaha Diinta