Haldoornews.com
Ficil uu sameeyey Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera oo sababay in la Gubo Meherad Ganacsi
August 16, 2015 - Written by admin

Ficil uu sameeyey Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera oo sababay in la Gubo Meherad GanacsiBerbera(Haldoornews)-khilaaf ku aroora Isirnimo aaya ka dhacay Magaalada Berbera, waxana la gubay Meherad Ganacsi oo ku taalay Badhtamaha Magaalada. Iyadoo su falkaas geystay Wiil dhalinyaro ah oo cadaadis iyo irsiq xaasid ka tirsanaayey Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Suhayb Maxamed Cali oo ay ehello ahaayeen Ninka Mehereadiisa la gubay. Meherada la gubay ayaa ahayd Shirkadda Baabuurta ee lau magacaabo EASTA aan west. Oo ay wakiilkeed Saaxil jufo hoose isku ahaayeen  xoghayaha Dawladda hoose, kaas oo laba meheradood oo jaar ah madaxa isku geliyey. Isagoo wiilka ficilka caawa ku kacay uu tiraba laba jeer xabsiga dhigay xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Suhayb Maxamed Cali, waxana intii aanu caawa falkani dhicin xabsiga uu ku xidhay Xogahayuhu inaanka dhalinyarada ah ee falkan geystay markii danbe

Falkan oo ah mid ugub ah isla markana, sababay Khasaare ballaadhan ayaa keenay in gabi-ahaanba caawa Ciidamo xoogan la dhigo la dhigo Faras-magaalada Berbera.

 

 

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

Berbera Somaliland

COMMENTS
Arimaha Diinta