News

China:Qaraxyo ay ku Dhinteen 17 Ruux ayaa ka Dhacay Dalka China.

Byadmin

Aug 13, 2015

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena way dhaawacmeen kadib markii dekad ku taalla koonfurta China ay ku qarxeen waxyaabaha qarxa.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay goob bakhaar ah oo dekadda ku dhextaal oo lagu hayay alaab nooca qarxa ah.

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa xidhiiddhsanaa,mana jirto faahfahin laga bixiyay sababta keentay qaraxyadan xoogga leh.

Wakaaladda wararka ee dawladda China ayaa sheegtay in laba qarax oo ay u dhaxaysay muddo 30 second ah ay ahaayeen kuwa aad u xoog badan,oo laga dareemay xaruun diiwaangalisa dhul gariirka oo goobta ka ag dhawayd.

Qof goob jooge ah ayaa sheegtay inay ay mar kaliya ku war heshay qarax aad u xoog weyn oo gilgilay baabuurtii iyo dhismayaashii goobtaasi ka ag dhawaa.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *