Haldoornews.com
“Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Inay Odayga Garab Yaacaan maaha.., Madaxweynuhu Si Aanu Xisbigu U Burburin Deg Deg Murashaxa Ugu Magacaabo” Boqor Buur Madow
August 11, 2015 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews)-Boqor  Cismaan Aw Maxamuud Buur madow, ayaa ka hadlay loollan ka dhex taagan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaas oo aan weli si weyn soo shaac bixin, isaga oo tallooyin kala duwan u jeediyey Siyaasiyiinta quudareynaysa Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka Xisbigaasba, Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu Madaxweyne Siillaanyo u soo jeediyey inuu Xisbiga Kulmiye u magacaabo cid murashaxa u noqota, si aanu u burburin.

Boqor Buur Madow oo xalay u warramayey Wargeyska Saxansaxo, waxa oo ka hadlayey socdaalkiisa Madaxweyne Siillaanyo ee Bariga inuu isagu Boqor ahaan uu taageero dadban u muujiyey Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu yidhi“Muuse Biixi annagu saaxiib ayaanu nahay oo madaxdii iyo wasiiraddii meesha maraysay oo dhanba anigu ixtiraam ayaan u hayey, madaxdii meesha mareyey oo dhanna hadalkayga waan amaanay oo cid aan gaar u amaanay ma jirin, cid aan idhi cod ayaanu siinaynaa ama waanu taageeraynaaana ma jirin, Muuse biix haddii ay Xisbigiisa iyo xukuumaddu soo dhigto oo ay taageerto inaanu beesha ku qadayn ayaan qabaa oo aan aaminsanahay sumcad badanna uu ku hayo, laakiin beeshu ma aha cidda Muuse Biixi iyo cid kale toona soo magacaabaysa ma aha oo xisbiga ayey u taallaa, xisbiyada kalena waa xisbiyo qaran, Muuse Biixi anagu Saaxiib ayaanu nahay oo nin dalka iyo dadkaba ixtiraam ku leh oo halkan badan soo galay oo la soo arkay waxa uu qabtay weeyaan, laakiin maalintii dhaweyd  anigu golihiina murashax nimo ugagama dhawaaqin, laakiin nin dalka in badan u soo samray weeyaan waanan hambalyeeyey, waanan ku ixtiraamayaa waa Guddoomiye Xisbi, haddii uu maanta Xisbigiisu u soo cumamadana waxaan qabaa inaanuu beesha ku qadayn”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu ka hadlaya qaabkii ay u kala reebeen Siyaasiyiintii Beeshiisa wakhtigii Shirkii Gar-adag, waxa uu yidhi “Annagu Berigii beesha Habar jeclo raggii aanu kala reebaynay  ninna nin Xisbi wata ayuu ahaa ragna rag meel kale jooga oo aan xisbi wadan oo meel kale ordaya ayey ahaayeen, anagu waxaanu ka reebnay Axmed Siilaanyo nin  Guddoomiye ah oo xisbi haysta ayuu ahaa, rag bilaa camal ah oo xisbiyo kale dilaalaya ayaanu ka reebnaye, balse  beesha Sacad Muuse anaga beel ahaan abaal way nagu leeyihiin, laakiin haddii ay maanta Muuse Biixi ka reebayaan ragga kale isaga ayaa Guddoomiye ahe reerka ayey u taallaa, annagu maanaan tartansiinin nin xisbi guddoomiye ka ah iyo rag caddaysimo ah (Aan Xisbi wadan) maanaan tartansiinin markii aanu  Gar-adag Joognay, waxa la yidhi ninkani Xisbi ayuu wataa oo uu madax ka yahaye ha la daayo ayaa la yidhi oo gar ayey ahayd, laakiin Saleebaan iyo raga kale xisbi ma joogine xisbiyo kale ayey dilaalayeen, anigu ma qabo inuu Kulmiye reer leeyahay  mana odhanayo Sacad Muuse ha ku soo kala boxo, waan ixtiraamayaa umadda oo dhan ayuu kulmiye ka dhexeeyaa, waxaan leeyahy haddii Muuse Biixi Beshiisu Guddoomiyeynimadiisa Ixtiraanto  beelaha kalena way ixtiraamayaan ayaan qabaa anigu”

Boqor Cismaan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Nimankaasi (Xirsi  Xaaji Cali iyo Maxamuud Xaashi) waa niman siyaasiyiin ah oo wasiiro ah, waana niman dalka wax badan ka qabtay, hankooda siyaasadeedna way leeyihiin cidna kala tashan maayaan, laakiin haddii ay aniga igala tashanayaan maanta  ka beel ahaan damac  kursi mar haddii aanaan lahayn madaxweynihii aynu mar labaad u soo cumaamadno anigu waxaan qabaa inaanu maanta is dhaafinno ka beel ahaan damacaas, sadexdaas xisbina aanu eegno cidda ay soo sharaxaan, maanta murashax beeshayada ah oo aan aan taageerayo oo aan leeyahay aan dhabarka soo taabanno ma jiro, waxaan leeyahay Somaliland way ina sharaftaye dadka kalena aan tijaabinno ayaan leeyahay oo aan hadda ka nasanno, madaxweynaha inaanuu maanta is sharixin ayaan qabaa, haddii aanu is leenahay cid ha la sharaxana madaxweynaha maanta wax qabadkiisu muuqda ayaan odhan lahaa ha la sharoxo, laakiin isaga waxaan leeyahay sharaf kaga tag oo ha is sharixin, wasiiradana waxaan leeyahay ha is sharixina, ka beel ahaan markaan afkooda ku hadlayo”

 

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurdow), waxa uu xusay in aanu weligii taageerin Kulmiye, isaga oo tibaaxay dhanka kale in aanu ka leexan halka Beeshiisu isku raacdo, waxaanu yidhi “Anigu horta weligay Kulmiye ma taageerin, laakiin beel ayaan oday ka ahayow waxa laga yaabaa inay beeshu igu muquuniso halkaas ayaanu maraynaa, go’aanka beeshana waan ixtiraamayaa oo beesha ayaan la talo ahay, waa laga yaabaa anigu meel aan kulmiye ahayn inaan lab jeclahay laakiin go’aanka beesha ayaa iska leh, wasiirada beesha ee Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashina Ixtiraam badan ayaanu u haynaa waa rag wax qabtay, laakiin anigu maanta inay xisbiga Kulmiye burburiyaanna ma qabo, inay Xisbiga dhexdiisa ka loolamaanna ma qabo, inay odayga garab yaacaanna ma qabo, waxaan leeyahay Inamadayadu inay didibsadaan oo ay Odaygana ixtiraamaan anagana na ixtiraamaan ayaan qabaa,anigu shirka ma iclaamin  laakiin  beeshuna Salaadiin kale ayey leedahay waa la tashanaa beeshuna way isku iman doonaa oo suldaanka Guud ayaa shirka iclaamintiisa iska leh”

Boqor Cismaan, waxa uu Madaxweyne Siillaanyo u soo jeediyey inuu cid u magacaabo Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye si aanu Xisbigu burburin, waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa Madaxweynaha in la ixtiraamo oo go’aanka inay ka sugaan wasiirada, isagana wakhtigiisii gebo gebo maaha, waxaanan u soo jeedinayaan madaxweynaha inuu ka shaqeeyo si aanu xisbigu u burburin oo uu cid u soo magacaabo, in madaxweynaha ay la tashato cid kasta oo damac ku jiraaba ayaan qabaa oo in la barbar ordo oo la jiidh jiidho ma qabo, waan arkaa gacan dhaaf badan oo socda, laakiin waxaan odhan lahaa madaxweynuhu waa inuu ka taxa deraa inuu madaxweynuhu isaga oo maanta xoog ah oo xay ah oo talina aan xisbigiisii iyo dawladdiisii uu isagu dhistay inaan lagu gorgortamin o ciddii wax doonaysaa ay isaga la tashato ayaan qabaa oo isagan la ixtiraamo”

COMMENTS
Arimaha Diinta