Aragtida Dadweynaha

Qurba joogu uma qalmo casuumadahan Qalinkii Maxamed yaasiin maxamed ilkacase‏

Byadmin

Aug 9, 2015

Dawladan xisbiga kulmiye ka soo jeedaa waxay intii ay xilkan wadanka haysay ay aad isugu mashquulaysay xaflado aaad u balbalaadhan oo loo qabto qurba joogta ka soo xagtaa noqonaya wadamada dibato,xafladahaas oo ilaa iminka aan la tilmaami karin ujeedo laga leeyahay,iyo faa’iido ku jirta toona,tusaale ahaan marka la eego,maaha qaran joog laga helayo in ay codeeyaan,mana aha kuwa tilmaan ahaan ku caan baxay inay nabada dhowraan,lana shaqeeyaan ciidamada nabad gelyada wadanka,sababtoo ah intay joogaanba waa wakhti aad u yar,waxayna dib igu noqdaan wadamadii ay ka soo baqoolkeen,taas bedelkeedana waxaan odhan karnaa waa kuwa inta badan fadqalalooyinka ugu balaadhan ka abuura dalkan curdinka ah,tusaale ahaan u fiirso shirbeeleed kasta oo ka qabsooma dalka waxaa laga abaabulaa lagana taageeraa maaliyad ahaan waa qurbaha ay bahalahani ka yimaadaan ana aan ka midka ahay,waxa kale oo ay mar walba ku foogan yihiin been abuurka iyo beelaynta reeraysan ee ay marwalba la dhex taagan yihiin face book ga iyo baraha internetyada bulshadu ay ku xidhiidhaan sida website yada oo ay jaanis badan u helaan,maadaama ay iyagau yihiin qaar inta badan caydh ku nool ah wixii dhacayana aan dan badan ka lahayn,sidaa darteed umaba qalmaan soo dhawaynta intaa le’eg iyo qiimaynta sidan ah ee sanad walba loo samayo,u fiirso hada maalgashiga qof waliba wuxuu maalgashanayaa waa wax isaga u gaar ah,balse eeg ta dadka ka dhexaysa qurba joogu waa ay reereeyeen oo midna kama qayb galo wax qabad aan beeshiisu aanay wadin,bal eeg wadooyinka,isbitaalada,xanaanooyinka,iskuulada i;w;m waxaanay taasi aakhirka tegaysaa in wax walba la kala sheegto ilaa degaamada taasna waxaa u sabab ah waa qurbo joog ku sheega.

Qurba joogu ma samayn ilaa hada hal mashruuc oo u qalma in xafladan lagu maamuuso sida in qurba joog kastaa uu bishii bixiyo hal doolar oo loogu magac daro one dollar project laguna maalgeliyo agoonta iyo derbi jiifka,iskumay deyin in mid kastoo ehelkiisa wax u dirayaa uu boqolkiiba hal doolar uu u jaro horumarka dalka taasna waanu u qiri lahayn in ay xaq u yeelanayaan in sidaa loo casuumo,laakiinse ma waxaanu nidhaahnaa kuwan reerahooda biilka ugu filan keliya ayaa hadana xaq u leh in cashuurtii maatidu ka biyo la’ayd lagu casuumo,waa yaab waana yaabka yaabkii.

Waxaan odhan lahaa dowladan siilaanyo xaqdarada iyo cadaalad darada waa halka aad ka bilowdeen in dadka kuwa xaqa leh aad xaqooda looga duudsiyo qaar aan xaq haba yaraatee aan lahayn,qurba joogu waa nin qawaday dhulkiisii,dheefna ka doontay mid dadkale leeyiin,wuxuu ilaaliyaa shuruucda dalkaa ay joogaan,oo xitaa caagada ay maa u saxa ay ka cabaan looma agola in ay qashinka kale ku daraan ee gaar ayay u dhigaan,markay dalka hooyo tagaana wadooyinka ayay ku tuuraan,waa kuwaa kuwa sharci darada dalkooda jecel ee weliba dawladani ay xilalka u sareeya ay u dhiibtaa,iyadoo ay joogaan kuwii dalkan dhisay nabadiisa iyo horumarkiisa iyo weliba halgankiisa,micnaha keliya ee xukuumadani wadataana waa in inta hadhay ee qarankan u dhabar adaygtayna ay ka soo tahriibto dalka si ay u noqdaan iyana qurba joog,maadaama ka xilka la siiyaa uu yahay qurba joog,ka la casuumaa yahay qurba joog,ka la xurmaynayaana uu yahay qurba joog.

Waxaanu leenahay xukuumadu ha ka dayso qarankan laf jabka iyo kala sooca bulsheed ee xaqdarada ah iyo casuumadahan baadilka ah,ee la siinayo dadkan qurba jooga ah iyadoo qolqol joogii uu ku dayacan yahay wadanka dhexdiisa;

Wabilaahi towfiiq

ALLOW sahal amuuraha

Qalinkii Maxamed yaasiin maxamed ilkacase

myaasiin143@hotmail.comqq

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *