Haldoornews.com
“Waxaan Codsanayaa in alle Dartii Cidii Haysa Heesihii aan Qaadi Jiray ay iska Saarto, iyo Cidkasta oo Website iyo Youtube Galisay”Ayaan Hoodo EX fanaanad.
August 6, 2015 - Written by admin

Ayaan Hoodo oo Hore uga  tirsanaan Jirtay Bahda Fanka oo dhawaana ku Dhawaaqday in ay ka Baxday Guud ahaan Fankiina ay Joojisay Kana Toobad keentay ayaa Codsi Baalaadhan u soo Jeedisay Guud ahaa Dadka Islaamka ah ee Haysta Heesihii ay Qaadi Jirtay ee lahaa Muuqaal Video iyo Dhegaysi ah ba in alle Dartii ay u Masaxaan si uu alle ugu Dambi dhaafo iyaguna ay Ajar iyo Xasanaad ka Heli Doonaan Maalinta Aakhiro.

Ayaan Hoodo ayaa sidoo kale codsi balaadhan u soo Jeedisay Dadkii Heesaheeda Galiyay Goobaha ay Bulshadu Akhrisato ee Websites-ka iyo Youtube ka oo Daawasho ah,  iyadoo si Gaar ah uga Codsatay inta Youtube Channels-ka leh ee galisay Goobahaasi, Gaar ahaan Youtube-ka uu Leeyahay HCTV iyo Kuwa kale ee Gaarka loo leeyahay ay Alle Dartii uga Saaraan.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Walaashiin Ayaan Hoodo.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta