Haldoornews.com
Waftigii Madaxwayne Siilaanyo oo Hargeisa kusoo Guryo noqday iyo Shacabka oo Surbacaad Biyo la,aaneed la tiicaya Wakhti madaxwaynihii Taxtaxaashayo Gobolada Dalka.
August 3, 2015 - Written by admin

Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo galabta ku soo laabtay Caasimada Dalka ayaa si weyn oon loo kala hadhin waxa loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada oo la odhan karo waxa uu la ciir-ciirayey galabta dadweyne aad u tiro badan oo sida aad sawirada ka aragtaanba isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee badhtamaha caasimada kuwaasi oo si farxad iyo qiiro wadaniyadi ku dheehantahay ula dhacsanaa hawlaha adag ee uu madaxweynaha qaranku ka soo qabtay jiidaha hore ee dalka isaga oo muddo 8 maalmood ah ku guda jiray socdaal dheer oo uu ugu kuurgelaayey xaalada gobolada bari iyo halka ay marayso wadadii ceerigaabo oo laga gaadhay guul wax ku ool ah lana dhamaystiray 150KM.

_DSC0134_DSC0127_DSC0100hadaba shacbiga somaliland oo ka jawaabaya dedaalka iyo kartida madaxweynahooda ayaa isu soo bax balaadhan oo ay ku muujiyeen dareen kalgacalnimo iyo boholyow ay u qabeen inay kaga jawaabaan socdaalka uu madaxweynuhu ku tegay gobolo muhiima oo shacbigu u dhegtaagayey in uu madaxweynuhu tago oo ka fuliyo mashaariico tiro badan awgeed ay gayeysiisay inuu helo kolsoonida ummaddii dooratay 5 sanno ka hor maanta ay mahadiyeen waxqabadkiisa, madaxweynuhuna uu ka jawaabay suaalahaasi tusaale fiicana ay u tahay sida ay shacbiga somaliland madaxweynaha u qaabileen una soo dhaweeyeen. — _DSC0073_DSC0088

COMMENTS
Arimaha Diinta