Haldoornews.com
Moorgan iyo Mahuraan:Wareysi Suugaaneed Xiiso badan Oo Baashe Moorgan Lala Yeeshay
July 31, 2015 - Written by admin

Moorgan… Gacan-ku-dhiigle Moorgan.. Moorgan iyo Faqash.. Mujaahid Moorgan.. General Moorgan.. Waa magac aan weligii maqli jiray, dadkuna garanayaan, weliba ay aragtiyo kala duwan laga qabo. Magaciisa dhammayska tirani waa Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre misana xidid la ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya.

Intii aanu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegin ayaan arkay mareeg la yidhaahdo www.somaliland,org oo si xagjir ugu hadasha afka Xisbiga KULMIYE, welibana si qaawan u weerarta xitaa dadka xisbiga ku jira ee ay Guddoomiye Siilaanyo is-qabtaan. “Waxa leh wiil ay madaxweynaha inantiisa qaba, oo lagu magacaabo Baashe Cawil” ayaa la igu yidhi. Judhiiba inuu ninkani hore u soo fadhiyo ayaan dareemay.

27kii Julaay 2010ka markii uu Siilaanyo la wareegay kursiga ugu sarreeya talada dalka ayaan arkay Baashe Cawil Xaaji Cumar oo magaciisa iyo saamayntiisuba kor u kaceen. Waa ninkii isaga ahaa oo sita magacii Moorgan. Safarro dibadeed oo uu raacay, mashaariic uu dhuunta u fadhiyo, dawladda oo uu dhex boodayo, falal badan oo uu sameeyay ayaan la yaabay. Tallaabooyinkiisu waxay ka baxsanayeen xuduudda gacaltooyada/xididnimada. Ninkani wuxuu si buuxda u adeegsan jiray awoodda madaxtooyada. Ma maqli jirteen “dameeri isku hallayn ayay hooyadeed dababada uga nuugtaa”. Maamuuska dawladnimo ayuu meel-ka-dhac iyo boog ku ahaa.

Haddaba waxa yaab igu sii ahayd markaan arkay isaga oo loo magacaabay Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo dal aynu ka sugaynnay mashaariic badan sida biyaha, lana hadal hayay in lagu wareejinayo dededda caalamiga ah ee Berbera. “Illeen tan xukuumadi ma xishooto” ayaan hore u maqlay.

Baashe Moorgan waxa aan la yeeshay wareysi suugaaneed. Laba magac oo Moorgan iyo mahuraan ah ayaanu kala sidannaa. Waxyaabaha uu soo hadal-qaadayo waxa ka mid ah mashaariic badan oo la siiyay dad Madaxtooyada la ehel ah sida mashruucii madaarka Hargeysa, mishiinkii gawaadhida baadhayay ee Berbera ay Golaha Wakiilladu diideen, dhul u dhow Dekedda Berbera oo qoyska iyo tolka madaxweynuhu qaateen, shidaal-baadhista sida loo maroorsaday, buurta SIIMOODI ee la guranayo IWM. Haasaawihi sidan ayuu u dhacay

Mahuraan dal jecel iyo
Nin muwaaddinaan ahay
Maandhow su’aal baan
Kuula soo muraadee
Mufti iyo sidii sheekh
Macnaheeda ii qeex

Illaa maalintii uu
Madaxweynaheennani
Dalka maamulkiisiyo
Majaraha la kowsaday
Magacaaga Baashow
Saaxiib waan maqlaayoo
Magacaabistaaduna
Mahadhay abuurtaye
Bal macnee wixii jira

Wuxuu Moorgan igu yidhi
“Madaxii ha raagee
Axmed, mudanaheennani
Mar xigaalkay weeyaan
Marna xididkay weeyaan
Sida ceeshka iyo milix
Ayaa laysku milan yahay”

Markayaga dadweynow
Maatidaanu dhacaynnaa
Waa inaanu madhinnaa
Maalkiyo dan guud iyo
Wax kastoo macaan-leba”

Wuxuu Moorgan igu yidhi
“Mashaqooyinkaan falay
Midhadh aan kaaga taabtee
Marsadii Berbera goor
Anoo maagganaa hawl
Mishiin baadha gaadiid
Anoo soo macmalayoo
In mashruuc dhan laga furo
Malyuunaadna laga helo
Milikhsiga u sarakaco
Wakiilladaa maqluubkii
Maya ugu codeeyoo
Mooshinkay ka keeneen
Taladay maroorsheen
Murugaan ka qaadee
Yaa milaygan kala dira
Masaxoo dhammaan tira”

Wuxuu Moorgan igu yidhi
“Milaygay Kuwayd tidhi
An malyuunno lacagaa
Madaarkiinna geliyee
Horta yaa macquuloo
An mashruuca siinnaa?
China HORN-ta loo miis
Naqad ka u mug weynoo
Madaarkii Cigaal iyo
Madashii Hargeysaad
Macrad Sheybe leeyaa
Moodharrada ku iibshoo
Maanshaa Allaahuye
Mahaddiyo ammaantaas
Madaxweynahaa geya

Mar labaadna dhagax-shiid
Cummaanigu ka madaxyaa
Masallaha ku yaalloo
Mabda’aygu wuxuu yahay
Intaan meesha joognaba
In maxaafsi lagu guro
Malaayiinno doollaar
Mood aan la tirin karin

Inta maal-qabeenee
Muddo kooban lagu helay
Ma malayn karaynnee
Murti Rayte uu yidhi
Milicsiga ku daymood”

Wuxuu Moorgan igu yidhi
“Maayarkaa Berbera iyo
Maareeye Xoorxoor
Waxan maandhe bixiyeen
Gaadiidkaa meel aan
Musuq ugu xareynniyo
Dhul aan meherad geynnoo La soco sheeko dheer insha Allah…

Khadar Maxamed

khadarmfr@hotmail.com
Morgan

COMMENTS
Arimaha Diinta