Haldoornews.com
Kenya oo sheegtay in ay sii wadeyso dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso xadka kala dhexeeya Somalia.
July 30, 2015 - Written by admin

Nairobi(Haldoornews)-Xoghayaha Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyay in Dowladdiisu aysan marnaba ka laabanayn Qorshaha ay uga dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia darbiga si looga hor-tago Weerarrada ay Kenya kusoo qaadayso Al-shabaab.

Nkaiserry ayaa intaas ku daray haddii Darbigan dhismihiisu uu Saameenayo Xiriirka dub-lamaasiyadeed ee u dhaxeeya Xukuumadaha Somalia iyo Nairobi waxaan sameyn doonnaa inaan qayb ahaan iska dhaafno dhismaha darbiga waa haddii nabadu ay kusoo laabato Somalia.

“Darbiga waa uu jiri doonaa inta Xasilooni daradu ay kajirto Soomaaliya, balse hadii nabad laga helo Soomaaliya, waan iska dhaafi doonaa darbigan” ayuu yiri Joseph Nkaissery.

Sidoo kale, Xukuumadda Kenya ayaa Aamisan in Darbigan uu ka caawin doono hakinta Weerrarada Al-shabab ay dalka Kenya ka geystaan. Iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay dhowr jeer oo is-xiga weerarro ka geysatay gudaha dalkaas.

Ugu dambeyn, Tan iyo Markii Ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Somalia Sanadkii 2011-kii, ayay Xarakada Al-shabaab Weerarro khasaare geystay oo deegaanno ka tirsan ay ka geysatay Al-shabaab.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta